MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay qarax weyn oo islamarkaana sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac-ba leh.

Qaraxa oo ka dhacay maqaaxi raashinka lagu cuno ayay wararku sheegayaan inuu sababay dhimashada dad gaaraya ilaa 10 ruux kuwaasoo dhamaantood ah dad shacaba oo maqaayadaasi ku sugnaa xili qadana ay ahayd.

Advertisement

Dhaawacyada ku dhawaad 10 kale ayaa la gaarsiiyay isbitaalada Magaalada Muqdisho kuwaasoo xaaladooda caafimaad ay dhaqaatiirtu la tacaalayaan.

Sawiro laga soo qaaday goobta qaraxa ayaa muujinaya in maqaayadu  ay ka sameysnayd jiingad taasoo khasaaraha sii badisay madaama qaraxu dadka wada gaari karo marka hal jiigad lagu wada jiro oo aysan firirla celin karin.

lama yaqaan cida ka dambeysa inkastoo wararka horudhaca ah ay sheegayan in Alshabaab ay ka dambeeyaan.

Maqaaxida uu qaraxa k dhacay ayaa la sheegay inay u dhawdahay xarunta degmada Dayniile looga taliyo, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Dowlada gaar ahaan maamulka Degmada kaasoo lagu faahfaahinayo qaraxaani ,cida ka dambeysa iyo khasaaraha ka dhashay inta uu la eyahay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here