KIRINYAGA (DAYNIILE.COM)-Maxkamad ku taal Dalka Kenya ayaa saacadihii ugu dambeeyay damaanad ku sii deysay Ganacsade Kenyaati ah oo ku eedeysnaa inuu sabab u yahay dhimashada 17 ruux.
Maxkamadaan oo ah mida ismaamulka Kiriny ayaa hal milyan oo lacagta kenya ah waxay ku sii daysay John Muriithi Karaya oo ku magacdheer ‘California kaasoo ah milkiilaha goob lagu caweeyo oo ku taalla tuulada Kangai ee degmada Mwea.
Booliiska Kenya ayaa soo xirey ninkaani markii qamri lagu iibinayay goobtiisa ganacsi ay ku dhinteen 17 ruux balse hada ayaa damaanad lacageed lagu sii dayaay 9 bil uu xirnaa kadib.
Bishii Febraayo ayay sheekadaani dhaxday markaasoo isaga iyo 7 kale oo 4 ay yihiin saraakiil Booliis la isla soo xirey inkastoo 7-da ruux bishii afaraad ee sanadkaani damaanad lagu sii daayay.
Go’aankan ganacsadahaan lagu sii daayay waxaa soo saaray garsoorha maxkamadda Kerugoya Richard Mwongo, xili uu laba eed oo waa weyn loo heysto sida inuu iibiyay khamri sharci darro ah oo ku kaydsanaa saldhigga booliiska ee Kiamaciri iyo in 17 ruux u dhinteen isla qamrigaas markii ay ka iibsadeen goobtiisa ganacsi ee lagu caweeyo taasoo ku taal tuulada Kangai ee degmada Mwea.
Si kastaba Maxkamadda ayaa kiisakan markale dhageysan doonta 16-ka bisha Koowaad ee sanadka 2025-ka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM