May be an image of 7 people and suit

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kadb markii 24-saac ka hor uu shirka Golaha wada-tashiga isaga baxay Madaxweynaha Maamulka Jublanad Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayuu Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya shalay qada sharaf wuxuu u sameeyay madaxda ka qeybgaleysa shirkaasi.

Advertisement

Qadada waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Koonfur-galbeed,Hirshabelle,Galmudug iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahan duqa Muqdisho.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhexeeya Dowlada Somalia iyo maamul Goboleedyada ayaan wali soo dhamaan wuxuuna cag galiyaymudo asuuc ah.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka carooday shirka kadib markii uu soo jeediyay in Puntland iyo Khaatump looga yeero taasoo u socon weysay madaama Puntlad ay iskeed hore ugu dhawaaqday inay xiririka u jartay Dowlada Somalia halka SSC Khaatumo aaney Dowladu wali u aqoonsan maamul buuxa madama ay shuruudaha qaar buuxin waayeen.

Si kastaba Axmed Madoobe ayaa ka maqnaa qada sharafta shalay loo sameeyay madaxda ka qeybgaleysa shirka wada-tashiga qaran ee uu ka mid ahaa markii uu furmayay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 6 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 3 people, the Oval Office and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 4 people, the Oval Office and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 6 people, suit, wedding and dais

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here