JALALAQSI (DAYNIILE.COM)-Wararkla ka imaanaya Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegya inay socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo dhaweynaayo Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Xuseen Guud-laawe.

Ciidamada Atmis iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa aad u adkeeyay amniga Magaalada Jalalaqsi,waxaana laga dareemayaa dhaq dhaqaaqa ciidamada guud ahaan Magaalada iyo daafaheeda.

Advertisement

Xalay waxa Magaalada soo gaaray wafdi horudhac u ah imaanshaha Madaxweynaha kuwaasoo intooda badan qeyb ka ah wafdiga.

Madaxweyne xigeenka Hirshabelle ayaa isaguna la socda Madaxweynaha,waxaana lagu wadaa inay goor dhaw soo gaaraan.

Shacabka Degmada Jalalaqsi ayaa u diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxda Hirshabelle waxaana la arkayaa iyagaoo wadooyinka tuban.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here