Qaar kamid ah oo culamada Soomaaliyeed ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dagaal beeleedyada meelo dalka kamid ah ka jira, ayagoo sheegay in cuquubooyin iyo cirib-xumo laga dhaxlo daadinta dhiigga dadka muslimka ah.

Culumada ayaa farriin adag u diray dad la sheegay inay colaadaha maal-gelinayaan oo ay dhaqaalo iyo hub ku bixinayaan, si ay ugu gaaraan ujeedooyin ayaga u gaar ah oo ay hiigsanayaan.

Advertisement

Shiikh Abuukar Xasan Maalin oo kamid ah culamada ugu caansan geyiga Soomaaliya ayaa sheegay in qof kasta oo dagaal beeleed ka qeyb-gala, islamarkaana wax dila ama la dilaahi uu cadaabta aakhiro gali doono, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo qabyaaladda laysku laynayo.

Baaqan ayaa ku soo beegmaya xilli gobollada dalka qaarkood ay ka aloosanyihiin dagaal beeleedyo lagu hoobtay, oo dhex maraya dadka walaalaha ah ee halkaas ku nool, kuwaas oo aan la marmarsiyo loo hayn ujeedka ay isku laynayaan.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here