Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo weli ka socda aagga deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo lagu baadi goobayo maleeshiyaadkii dhowaan laayay askarta dowladda.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladaasi ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa HirShabelle, isla-markaana natiijo wanaagsan laga gaaray, welina ay socdaan.

Advertisement

Maxamuud Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyey in ciidamada ay ku guuleysteen soo qabashada laba kamid ah raggii dilka gaystay, isla markaana kuwa kale oo baxsad ah lagu raadjoogo.

Waxaan gacanta ku dhignay laba ka mid ah dadkii dilay askartii Qaranka oo lagu weeraray goob ay ku aruursanayeen, waxaana ku dabajirna inta hartay, waana la soo qaban doona sharciga ayaana la horgeynaya” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xaaladda deegaanka, wuxuuna tilmaamay inay dagan tahay, balse la xiray guddoomiyihii Ceel Baraf iyo odayaasha deegaanka, isla markaana loo haysto inay ka gaabiyeen xil gudashadii looga baahnaa, kadib ma shaqadii ka dhacday halkaasi.

Waxaa kale oo uu guddoomiyaha Shabeellaha Dhexe ku baaqay in laga war sugo natiijada baarista socota iyo dadaallada ay wadaan, iyaga oo kaashanaya dowladda dhexe,

“Dadaalada way socdaan dowladda iyo Hirshabeelle kama jiifaan wax la qabashada dhacdadii foosha xumeyd, dadka Soomaaliyeed iyo beesha askarta la dilay waxaab u cadeynaya in falkaas uu yahay mid aannka wada xunahay sida uu u dhacay, ha is dajiyaan sharciga ayaa la horkeenaya dambiilayaasha oo hada qaar gacanta lagu haayo” ayuu yiri.

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa warbaahinta dayniile u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here