MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warsaxaafadeed ay soo saareen qaar ka mida Warbaahinta Madax banaan ayay ku diideen  inay wax ka tabiyaa kulan caawa ay qabatay xukuumada Ra’iisul-wasaare Xamse Cabdi Barre kaasoo isugu jiray soo bandhigada wax-qabadka xukuumada Somalia,  iyo dood ku aadaneyn su’aalo weydiin.
Kooxdaan warbaahinta ka tirsan sida Universal TV oo sheegteen magaca Golaha Warbaahinta Madaxa banaan  ayaa warsaxaafadeedkooda waxay ku xuseen in soo bandhigista Xukuum,ada Xamze ay soo qaban qaabiyeen koox ka tirsan xafiiska Ra’iisulwasaaraha sidaas daraadeedna aysan ka qeygalin.
“Golaheena Warbaahinta Madaxa banaan ma tabin karo dood looga been sheegayo waaqiciga dhabta ah ee ka jira dalka, waana sababta ay hay’adaha sare ee dowladdu uga war-wareegayaan la kulanka Warbaahinta madaxa banaan” ayaa ka mid ahaa warsaxaafadeedka ka soo baxay qaar ka mida warbaahinda.
Kooxdaan wariyayaasha ah  ma cadeyn waxay qoonsadeen laakiin kaliya waxaa warkooda ku jirtay in xafiiska Ra’iisulwasaaraha uu soo qaban qaabiyay dooda iyo soo bandhigista waxqabadkii xukuumada Soomaaliya oo aan marna la dafiri karin.
Qoraalka kooxdaan waxay ku xad-gudbeen madax banaanida ay sheeganayaan madaama ay si cad qoraalkooda ugu gafeen shaqadii dhex dhexaadnimada isla-markaana ay si toos ah u dureen xukuumada halkii ay ka gaabsan lahaayeen xitaa hadii aysan ku qanacsaneyn sida wax loo maamulay.
Saxaafada madaxa banaan waa tan dhan kasa ka eegta dhex-dhexaadnimadeeda ee aan cidna gaar u durin, kaliyana waxaa kaga filneyd inay ka aamusan.

Dhanka kale Warbaahina Madaxa banaan 30-kii sano ee u danbeysay marba waxaa soo baxayay ururo sheegtay in lagu mideysan yahay iyagoo intaas-na la arkaayay kuwo kale oo iyagana magacii mid u eg leh xili ay iska soo horjeedaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here