BOOSAASO (DAYNIILE.COM)- Qaar ka mida ciidamada Maamulka Puntland ee dhaawacyada darani ka soo gaareen dagaalada ay kula jiraan Kooxda Daacish ayaa loo qaaday Isbitaalo dalka dibadiisa ah.
Dagaaladaani oo ka dhacay deegaanka Dharjaalle ee buuraleyda Gobolka Bari sababay dhimashada qaar badan oo ka mida kooxda Daacsh kuwaasoo ay u badan yihiin waliba kuwa ajaanibta ah.
Guddiga Taakuleynta iyo Daryeelka Caafimaadka ee hawlgalka ciribtirka Kooxda Daacish ayaa fuliyay qorshahaan dhaawacyada ciidamada loogu qaaday dalka dibadiisa maalinimadii shalay kadib amar uu ku bixiyay atrintaasi madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Dani.
Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa diyaarad laga saaray dhaawacyada ciidamada dalka dibadiisa loo qaaday.
Munaasabad lagu sagootinayay ciidamada dalka dibadiisa loo qaaday ayaa waxaa ka qeybgalay Guddiga taakuleynta ciidanka, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, Agaasimaha Hay’adda PMPF iyo Saraakiil Madaxtooyo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement