=XIGASHO BBC SOMALI=

Mucaarad

Advertisement

Qaar ka mid ah mucaaradka Turkiga gaar ahaan kuwa ku jira baarlamaanka dalkaas ayaa waxay walaac kamuujiyeen soojeedintii dhawaan uu golaha baarlamaanka geeyay madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdoğan eek u adanaa in ciidamada badda Turkiga la geeyo Soomaaliya.

Ciidamadaas oo la sheegay in ay milatariga ka imaan lahaayeen ayuu soo jeediyay madaxweynuhu in loo daabulo si ay u caawiyaan maraakiibta sahanka shidaalka ka sameynaysa Soomaaliya.

Mid ka mid ah ragga ugu tunka wayn mucaaradka oo ah ku xigeenka madaxa xisbiga Dadka Jamhuuriga ah ee Turkiga oo lagu magacaabo Yankı Bağcıoğlu, ayaa ka digay in ciidamo loo diro biyaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay qatar galineyso hawlgallada milatari ee haatan socda.

“In ciidamo hubaysan oo Turki ah loo daabulo aagagga biyaha Soomaaliya waxay qatar galineysaa hawlggaladeena haatan socda iyo amniga qaranka. Qatarta uu horseedi karo mooshinkaan waa in si baaxad leh looga fiirsada,” ayuu yiri Bağcıoğlu oo baahiyay warkaan oo qoraal ah.

Hadalka siyaasigaan Turkiga ah ayaa waxa uu imaanayaa xilli madaxweynaha Turkigu uu Jimcihii horgeeyay baarlamaanka in ay ansixiyaan soo jeedin ku saabsan in in ciidamo Turki ah oo badeed la geeyo Soomaaliya.

Arrintaas ayaa timid kadib markii dawladda Turkiga ay ku dhawaaqday heshiis sahmin iyo qodis shidaal ah dawladda federaalka Soomaaliya. Waxa kale oo ay sheegtay dawladdu in ay hawlgalkii lagu sameyn lahaa hawshaan uuna dhawaan ka bilaaban doono Soomaaliya.

Dhanka kale Bağcıoğlu waxa uu sheegay in ay tahay in baarlamaanku xeerayo qatarta ururka al Shabaab ee xulafada la ah al Qaacida iyo sidoo kale khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Gobolkeena dab ayaa ku shidan, maraakiibta aan diri doono saameyn taban ayay ku yeelan doonaan badbaadadeena,” ayu uku yiri qoraalka uu daabacay Bağcıoğlu.

Heshiiska

Halka laga qodayo shidaalka

Sida uu BBC-da u sheegay agaasimaha guud wasaaradda Batroolka iyo macdanta Maxamed Xaashi Carabay, Turkida ayaa bisha Sebtember ee sanadkan samayn doona Sahaminta shidaalka goobihii lagu heshiiyey inay shaqada shidaalka ka qabtaan Soomaaliya

Goobaha ay Turkigu ka bilaabayaan sahaminta iyo qodista shidaalka ayuu agaasime Xaashi ku sheegay inay ku yaalaan dhanka badda ee gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

“Saddexda aag ay hadda qaateen waa inta u dhaxaysa Xarardheere iyo Hobyo, halkii aagna waa ilaa 5,000 oo kilomiter oo isku wareeg ah, ” ayuu yiri Carabay.

Wuxuu sheegay in Sembeter ay Turkigu soo diri doonaan markabka iyo howlwadeena bilaabaya qorshadaha sahahimta shidaalka ka dibna ay guda gali doonaan shaqada

“Waxay samaynayaan marka hore sahaminta samaynayaan wax la dhaho 3D, markay ku sahamiyaan ka bacdi waa qiimayn waxay soo saaray warbixin, ka dibna waxay arkayaan meesha laga qadoyo ka dib markaas ayey qodista bilaabayaan” ayuu BBC-da u sheegay agaasime Xaashi.

Agaasime Maxamed Xaashi Carabay, ayaa intaa raaciyey in ka dib qiimaynta ay qodistu shidaalka ee Turkiga agaas ka bilaaban doonto saddexda bilood ee hore ee sanadka cusub ee 2025-ka.

Dhanka badda ee degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo ayaa ka mida ah meelaha Soomaaliya ay ku yaalaan xirmooyin shidaal balse cadadkaasi waxaa uu Agaasimuhu ku tilmaamay inay ku yaallaaan wax ka badan tobban agaaas oo shidaal.

Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya

Inkasta oo bilowgii sanadkaan heshiis wayn ee difaac iyo dhaqaale ay wada saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa hadana maalinkii khamiista ee aynu soo dhaafyay dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa waxay heshiis baaris shidaal ah la saxiixatay dawladda Turkiga kaas oo uu Turkigu shidaal ka baari doono saddex aag oo ku yaalla gudaha biyaha Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Tukriga ee Anadol.

Munaasabad lagu saxiixay heshiiskaan oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, cabdirisaaq Cumar iyo dhigiisa Turkiga, Alparslan Bayraktar ayaa waxay ka dhacday magaalada Istanbul.

Heshiiskaan ayaa waxa uu xaquuq qaas ah u siinayaa dawladda Turkiga in ay hydrocarbon oo ah – shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ka baarto kadib ka soo saarto saddex aag oo kiiba yahay 5,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah, sida uu sheegay wasiirka Tamarta iyo Macadanta ee dalka Turkiga Bayraktar.

Labada ka mid ah aagagga ayaa waxay 50 kilimitir loo galayaa badda, halka mid ka mid ahna uu gudaha badda loo aadayo ilaa 100 kilomitir.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here