=XIGASHO BBC SOMALI=

Ruushka

Advertisement

Bal malee waxaad tahay Vladimir Putin.

Reer-galbeedka ayaa kuu aqoonsaday mid la go’doomiyay sabab la xiriirta inaad duullaan ku qaadday Ukraine. Cunaqabateyno ayaa la doonayaa in dhaqaalaha dalkaaga looga jaro suuqyada caalamka.

Waxaana jira waaran soo xirid ah oo lagaaga jaray Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada.

Sidee baad u muujineysaa in cadaadisku uusan shaqeyneyn? Isku day inaad qabato shir.

Toddobaadkan magaalada Kazan Madaxweyne Putin ayaa ku salaami doona in ka badan 20 madax dal oo ka qeybgalaya shirka Brics ee dalalka dhaqaalahoodu soo kobcayo. Madaxda la casuumay waxaa ka mid ah madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, raysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian.

Kremlin-ka ayaa ku tilmaamay in shirku yahay mid ka mid ah “kuwa diblomaasiyadda dibadda ee ugu weyn abid” ee Ruushka ka dhaca.

“Farriinta cad waa in isku dayada lagu go’doominayo Ruushka inay guul-darreysteen,” ayuu qabaa Chris Weafer, oo wax ka aasaasay shirkadda la talinta ee Macro-Advisory.

“Waa qeyb weyn oo ka mid ah farriinta Kremlin-ka ee ah in Ruushku uu iska caabbinayo cunaqabateynta. Waan ognahay inay jiraan wax badan oo halleysan. Balse mar heer dhul ahaan laga eego Ruushka wuxuu heystaa dhammaan saaxiibbadaas waxayna doonayaan inay noqdaan saaxiibbada Ruushka.”

Marka, waa kuwama saaxiibbada Ruushka?

Brics waxay u taagan tahay Brazil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha iyo Koofur Afrika. Kooxeysigan, ayaa aalaaba loo arkaa mid ka dhan ah dunida ay hoggaanka u hayaan Reer-galbeedka, wuuna sii fiday waxaana kusoo biiray Masar, Itoobiya, Iiraan iyo Imaaraatka Carabta.

Sacuudi Carabiya, sidoo kale, ayaa lagu casuumay inay kusoo biirto.

Dalalka Brics waxay 45% ka yihiin bulshada caalamka. Marka la isku geeyo, dhaqaalaha dalalka xubnaha ka ah wuxuu u dhigmaa in ka badan $28.5tn (ÂŁ22tn). Taasi waa qiyaastii 28% dhaqaalaha caalamka.Ruushka

Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in 30 dal oo kale ay doonayaan inay ku biiraan Brics amaba ay xiriir dhow la yeeshaan isbahaysiga. Qaar ka mid ah dalalkaas ayaa ka qeybgeli doona shirka. Magaalada Kazan toddobaadkan waxay fileysaa in wax badan laga hadlo dalalka Brics ee matalaya “aqlabiyadda caalamka”.

Balse marka laga soo tago in Vladimir Putin ay u tahay mid uu ku jiinayo siyaasada dhuleed, maxaa guulo ah oo laga gaari doonaa shirka?

Isagoo daneynaya inuu yareeyo cadaadiska ka imaanaya dalalka Galbeedka, ayaa hoggaamiyaha Kremlin wuxuu rajeyn doonaa inuu xubnaha Brics ku qanciyo inay la yimaadaan hab looga maarmi karo in adduunka doollarka wax lagu kala iibsado.

“Qaar badan oo ka mid ah dhibaatooyinka uu wajahayo dhaqaalaha Ruushka ayaa lala xiriirinayaa ganacsiga iyo wax kala iibsiga xudduudaha ka baxsan. In badan oo kuwaas la mid ahna waxaa lala xiriirinayaa doollarka Mareykanka” ayuu yiri Mr Weafer.

“Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa awood iyo saameyn badan ku leh dhaqaalaha dunida sababtuna waa in doollarka Mareykanka uu yahay lacagta ugu weyn ee taas lagu saleynayo. Danta ugu weyn ee Ruushka waa jebinta awoodda doollarka Mareykanka. Wuxuu dalalka Brics ka doonayaa inay abuuraan hab kale oo ganacsi oo aysan ku lug lahayn doollarka, Yuurowda amaba lacag kale oo ay adeegsadaan dalalka G7, si aysan micno badan u yeelan cunaqabateynta.”

Balse dadka cambaareeya Putin ayaa qaba in kala duwanaansho ay ka dhex jirto Brics.

“Marka si loo eego shaqo fiican ayay u tahay Galbeedka in Shiinaha iyo Hindiya aysan weligood waxna isku raaci doonin. Sababtoo ah haddii labadaas ay dhab ka ahaan lahayd, Brics wuxuu lahaan lahaa saameyn ballaaran,” ayuu yiri Jim O’Neill, oo ah dhaqaale-yahan.

“Shiinaha iyo Hindiya waxay aad isaga ilaalinayaan in midba kan kale weeraro. In la isku dayo isu keeniddooda si ay arrimaha dhaqaalaha uga wada shaqeeyaan waa caqabad aan marna dhammaaneyn.”

Keliya ma aha Hindiya iyo Shiinaha kuwa ay ka dhaxeyso kala aragti duwanaanshaha. Waxaa jira xiisad u dhaxeysa labadii ugu dambeeyay ee ku biiray Brics, waa Masar iyo Itoobiya. Tan kalena, hadduu Sacuudigu ku soo biiro isaga iyo Iiraan waxay muddo dheer isku ahaayeen cadow.

Magaalada Kazan, shaqada Vladimir Putin waxay noqon doontaa inuu meesha ka saaro kala duwanaanshaha uuna abuuro sawir midnimo, isagoo isla markaana shacabka Ruushka – iyo beesha caalamka – tusaya in dalkiisa uu ka fog yahay mid go’doonsan.

   =XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here