BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire ayaa warbaahinta u sheegay in Puntland la socotay xogta weerarkii Kooxda Daacish ku qaaday deegaanka Dharjaale islamarkaana ay dharbaaxo la kulmeen.
Gudoomiyaha wuxuu tilmaamay in madaama ay xogta sii hayeen in ciidamada Puntland ay laayeen dhamaan Kooxdii Daacish ee weerarka soo qaaday.
“waan ogeyn xogta weerarka kooxda Daacish ee deegaanka Dharjaale , taasina waxay keentay in loo diyaar-garoobay, islamarkaana saacado kooban lagu fashiliyo”ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Maxamed Baari Shire
Masuulkaan wuxuu intaasi ku daray in kooxaha Daacish ee ay laayeen ay badankood ahaayeen ajaanib ka bar bar dagaalameysay kooxdaasi Puntland ka dagaalanta.
Maxamed Baari Shire mar uu ka hadlayay khasaaraha ka dhashay qaraxyo Daacish ku qaaday deegaanka Dharjaale markii ay weerarka soo qaadayeen ayuu sheegay inay dad shacaba oo haween iyo caruur isugu jira ay dhimasho iyo dhaawacba ka soo gaareen.
“khasaaraha soo gaaray ciidamadeena wuu koobnaa balse dad shacaba ayaa dhimasho iyo dhaawaca ka soo gaareen qaraxyada kooxda ay adeegsadeen”ayuu mar kale yiri Gudoomiyaha.
Dhanka kale Gudoomiyaha wuxuu carabka ku adkeeyay tuuladaan Dharjaale ay Daacish u ahayd istaraatiiji madaama ay sahadyda u soo marto sidaas daraadeedna ayba markiiba ciidamada Puntland u degaan halkaasi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM