GAROWE (DAYNIILE.COM)-Maamulka Puntland ayaa si kulul uga hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay Deegaanka Raaskanbooni kaasoo u dhexeeyay Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubaland.
Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo ah Wasiirka arrimaha gudaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa si weyn ugu eedeeyay Dowlada inay hubkii Alshabaab lagula dagaali lahaa u adeegsatay maamulka Jubaland oo nabad ah sida uu warka u dhigay.
Wasiirkaan wuxuu xusay in amniga Somalia uu soo wajahay qataro halis ah taasoo ka timid cunuqabateyntii hubka ee laga qaaday Dowlada Soomaaliya,wuxuuna ku baaqay in mar kale Soomaaliya la saaro cunuqabateyntii hubka.
“waa in la soo celiyaa cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya si looga hortago dagaal sokeeye”ayuu yiri wasiir Juxaa
Wasiir Juxa wuxuu intaasi ku daray in hubka la siiyo Dowladda, madaxdu u adeegsadaan dano shaqsi iyo mid Siyaasadeed.
“Ciidamadii dhawaan Dowladu geysay Raaskanbooni ujeedka laga lahaa wuxuu ahaa in lagu qalqal geliyo amaanka deegaanadaasi ka jira” ayuu mar kale yiri Wasiir Juxaa
Sidoo kale wuxu sheegay in talaabada Dowladu ciidamada ku geysay Raaskan-booni sidoo kalana ay drons-ka ugu adeegsatay dagaalkaasi sida uu sheegay ay tahay mid muujineysa sida aan Dowlada loogu aamini karin hub.
“Waxaa muuqata in Soomaalidu aysan xamili karin mas’uuliyadda ka dhalan karta qaadista cunaqabateynta hubka sidaas daraadeed Maamulka Puntland wuxuu ku baaqayaa in dib loo soo celiyo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya” ayuu mar kale yiri Wasiir Juxa Juxa.
XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM