GAROWE (DAYNIILE.COM)-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Ilyaas Lugatoor ayaa maanta taageeray go’aankii Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu ka qaatay shirka golaha wadatashiga Qaranka taasoo ahayd inaan doorasho qof iyo cod la aadi karin iyadoon la xalin khilaafka Puntland iyo Dowlada Somalia.

“Waan soo dhaweyneynaa oo bogaadineynaa go’aanka uu Axmed Madoobe ku diiday ka maqnaanshaha Puntland iyo Khaatumo ee shirka Xamar” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor.

Advertisement

Shirka Golaha wadatashiga Qaranka ee u dhexeeye Dowlada Somalia iyo Maamul Goboleedyada ayaa maanta galay maalintiisii afarad xili Axmed Madoobe uu ka hor yimid qorshaha Dowladu wadato oo ah in doorashooyinka maamulka iyo kan qarankaba laga dhigo qof iyo cod,isagoona shuruud uga dhigay in shirka laga soo qeybgeliyo Puntland iyo SSC Qaatumo.

lama yaqaan sida Dowladu ku xalin doonto go’aamada Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe uu ku dalbanayo in Dowladu shirka ka soo qeybgeliso Puntland islamarkaana SSC Qaatumo loo aqoonsado maamul Goboleed dhameystiran.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person and dais

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here