Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay dadkii lasoo xiriiray ee ka faa’iideystay fursaddii cafiska ee uu hore u fidiyey Madaxweynaha Puntland, taas oo la siiyey cid kasta oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee go’aansatay in ay ka laabato fikirkaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu bogaadiyey xubnahaas ka faa’iideystay fursadda, waxaana sidoo kale la mahadceliyey waxgaradka iyo dadka dowladda matala ee fududeeyey geeddi-socodka cafiska.

Advertisement

Dowladdu waxay xustay in fursaddu weli furan tahay inta ka dhiman mudadii lasiiyey, si qof kasta oo doonaya inuu ka soo laabto falalka argagixisanimo uu ugu dhiirrado tallaabadaas.

“Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa sii socon doona illaa dhulka Puntland laga sifeeyo kooxaha argagixisada. Dowladda Puntland ayaa si gaar ah u amaantay shacabka iyo ciidamada amniga, gaar ahaan dadka ku nool dhulka baadiyaha ah ee warbixinnada ka bixiya xubnaha argagixisada iyo cid kasta oo lagu tuhmo falal amni-darro” ayaa lagu yiri war Saxaafadeed kasoo baxay maamulka.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here