BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta soo bandhigay Diyaarad Helicopter oo ay sheegeen inay ugu talagaleen inay u adeegsadaan dagaalka ka socda buuraha Gobolka Bari kaasoo ay kula jiran kooxda Daacish.
Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada howlgalka ciribtirka Daacish ayaa galabta saxaaada la wadaagay diyaaradaan iyadoo masuuliyiina ay goob joog ahaayeen.
Gudiga ayaa la wareegay diyaaradaan oo dhinac kasta loo adeegsan doono madaama ay iyagu qaabilsan yihiin dagaalka iyo howlihiisa gaar ahaan dhanka taakulada.
War ka soo baxay Guddiga taakuleynta Ciidamada Puntland ayay ku sheegeen in Diyaaradan fududeynayso wax walbo, oo ay u baahdaan Ciidamada.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement