Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa guullo ka sheegatay howlgallada ka dhanka ah Daacish ee ka scoda Gobolka Bari, saraakiil katirsan ciidamada Difaaca ayaa sheegay in ay gudaha u galeen qaar kamid ah Saldhigyada Koooxdaas oo gacantooda soo gashay.
Sarkaal katirsan Ciidamada howlgallada wada ayaa sheegay in askar katirsan kuwa Difaaca Puntland ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dagaal ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad Gobolka Bari halka dhanka Daacsh ay gaarsiiyeen khasaara xooggan.
Puntland ayaa sheegtay in tobanneeyo katirsan xubnaha ay dagaalka kala hortageen ee Daacish lagu dilay howlgalladaan oo ka xooggan wajiyadii 1aad iyo 2aad maadaama gudaha buuraha ay galeen ciidanka Difaaca Dowlad-Goboleedkaas.
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Jimcihii sheegay in uu si rasmi ah u billowday wajiga saddexaad ee howlgalka ka dhanka ah Daacish kana xooggan labadii heer ee ka horreeyay.
Dagaalka dhulka ee Ciidamada Puntland ay kula jiraan Daacish waxaa xoojinaya weerarro duqeymo ah oo Diyaaradaha Duulliye la’aanta Maraykanka iyo Imaaraatka ay fulinayaan kuwaas oo khasaara badan gaarsiiyay Kooxda.