Cal-miskaad : 04 February 2025 : Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo Daacish ka sifeynaya buuralayda Cal-miskaad ayaa maanta dagaal xooggan ku qaaday Kooxda Argagixisada Daacish, waxaana la dilay ku dhowaad 40 Argagixiso Ajaaniib u badan iyado ka badana laga dhaawacay isla markaaasina lala wareegay dhammaan deegaanadii ay ku sugnaayeen Argagixisadu.

Ciidanka Howlgalka dhinacooda waxaa jira dhimasho kooban iyo dhaawac fudud, Geesiyaasha Ciidanka Dowladda Puntland waxaa ka go’an in ay Argagixisada ka sifeeyaan dhammaan dhulka Puntland.

-DHAMMAAD-May be an image of 1 person

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here