Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Cabdi Nuur oo la hadlay Shabelle ayaa Sheegay in Puntland aysan wax filasho iyo rajo ah ka qabin wadashaqeyn iyo isku soo dhowaansho dhinaca Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Arimaha Masiiriga Ee Umadda ka wada dhexeeyey uu Madaxweyne Xasan Sheekh kaligiisa uu isku soo koobay, islamarkaana uu meesha ka saarey hanaankii awood-qeybsiga iyo xeerarkii Federaalka ee ka jiray dalka

Advertisement

Wuxuu hadalkiisa intaas raaciyey in Muqdisho ay ka dhismi doonto Badbaado Qaran oo Hubeysan markale, hadii sida uu sheegay Madaxweynaha kusii socda jidka uu hadda ku taagan yahay ee ku afduubey xukunka dalka iyo arrimaha dhameystirka dastuurka.

Dhinaca kale, waxaa uu ka hadlay Howlgalada lagu raafaayo Ajaanibta Ee ka socda Puntland, isagoo sheegay in ay taasi ka dhalatay xubno Ajaanib oo lagu helay iyaga oo Amni daro faraha kula jira, islamarkaana katirsan Daacish oo hadda Ciidamada maamulka kula dagaalamayaan buuraha CalMiskaad.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here