Labada maamul ayaa isku afgartay in maleeshiyada labada beelood ee dirirtu dhex taal la kala fogeeyo, iyagoo maleeshiyada la kala geyn doono goobihii hore loogu asteeyey nabadda sida Bandiiradley iyo Galdogob.
Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in ciidamada nabadgelyada ee labada dowlad-goboleed dib loo hawlgaliyo si ay u xaqiijiyaan amniga goobaha ka caagan maleeshiyaadka ee u dhexeeya Galdogob iyo Bandiiradley.
Dhinaca kale, waxaa lagu heshiiyey in guddi gaar ah loo saaro baarista weerarkii 18/01/2025 ee ay koox maleeshiyo ah ka geysteen magaalada Gaalkacyo. Guddigaas ayaa looga fadhiyaa inay muddo 48 saacadood gudahood ah soo saaraan go’aan ku habboon oo ku aaddan weerarkaasi.
Colaadda labada beelood ayaa, sida shirka lagu sheegay, lagu xallin doonaa hab nabadeed oo ay hogaamin doonaan guddi xeerbeegti ah iyo culimada deegaanka. Xalinta khilaafka waxaa lagu salayn doonaa heshiiskii ay labada beelood gaareen 02/10/2024, si nabad waarta loo gaaro.