MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Prof.Yaxye Sheekh Caamir oo ka mida aqoon-yahanada Soomaaliyeed ee asal ahaan ka soo jeeda Gobolka Banaadir oo ah caasimada ummada Soomaaliyeed ayaa ka digay in xaqa reer Muqdisho la duudsiiyo.
“Xaqa aad leedahay ogaal u lahaaw,ma ogolin in la isku keena hoos galyo, waxaa fiican iyo waxa xun, waan kala naqaan” ayuu yiri Yaxye Sh.Caamir
Aqoonmyahankaan oo aalaaba u dooda xaqa reer Muqdisho u leeyihiin inay helaan maqaamka ay heystaan maamulada Dalka oo kale ayaa caraba ku adkeeyay ineysan iyagu marnaba cidna dulmineyn.
“Cidna dulmin meeyno, laakin ihaano iyo in Mansabkeena in hoos loo dhigo, Maya, maya, maya”ayuu mar kale yiri Professor-ka
Sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay oo ineysan ahayn mucaarad dano siyaasadeed leh, sidoo kale wuxuu meesha ka saaray ineysan ahayn dad aan dantooda aqoon.
“Ma nihin mucaarad dano siyaasadeed leh, mana nihin doqon danteeda moog”ayuu mar kale yiri
Prof.Yaxye Caamir wuxuu mar kale ka digay inaan dadka reer Muqdisho laga daba geyn, islamarkaana xaqooda aan lagu sarifan dano gaara.
“xaqa reer Muqdisho yaan lagu sarifan dano gaara”ayuu yiri oo dhanka kalana baarlamaanka Somalia uga digay waxyaabaha qalaka ee ka hor geynayo,wuxuu xildhibaanada xasuusiyay inay ka fiirsadaan wixii ku saabsan maqaamka Xamar.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement