XIGASHO LAACIB.NET
Paris, France – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France, Paul Pogba, ayaa si qiiro leh uga hadlay xanuunkii uu dareemay markii uu ka tagay Manchester United isagoo 19 jir ah, iyo sida uu mar walba ugu hamiyi jiray inuu dib ugu laabto kooxda uu aadka u jeclaa.
Wareysi uu siiyay majaladda caanka ah ee GQ France, Pogba ayaa si furan u muujiyay in markii uu ka tegay United sannadkii 2012 – isagoo aad u da’yar oo rajeynayay fursado badan – uu ka murugooday illaa heer uu ilmeynayay.
“Runtii aad ayaan uga naxay markii aan ka tagay Man United 19 jir ahaanteyda. Marka hore waan ooyay. Dib ugu laabashada kooxdaas oo qalbigayga ku weynayd waxay ahayd riyo aan mar walba ku taamayey,” ayuu yiri Pogba.
Pogba oo markaas u wareegay Juventus, ayaa halkaas ku qaatay afar sano oo guulo badan oo uu kula gaaray kooxda Talyaaniga ah, kahor inta uusan 2016 dib ugu laaban Manchester United – kooxda uu si weyn ula qabsaday xilligii uu ka tirsanaa da’yarta.
“Waxay ila ahayd sidii inaan safar aaday, haddana gurigeygii aan ku laabtay,” ayuu yiri Pogba, isaga oo tilmaamaya in ku soo noqoshadiisa United ay ahayd go’aan qalbiga uga yimid.
Si kastaba ha ahaatee, Pogba wuxuu kaloo wareysiga ku muujiyay dareen ah in uu ku hungoobay taageeradii uu filayay. Wuxuu sheegay in uu dareemay in jacayl la’aanta iyo kalsooni darrada dhanka maamulka kooxda iyo taageerayaal qaar ay niyad jab ku abuurtay.
“Jacaylka aan ka filayay kooxda iyo taageerayaashaba si buuxda uma aanan helin. Markii aan England kusoo laabtay, waxaan filayay inaan dareemidoono garab istaag buuxa – laakiin taa badalkeeda, wax badan way iga maqnaayeen. Taasi waxay ahayd mid aad ii murugeysay” ayuu Pogba si daacad ah u yiri.
Pogba ayaa markale ku laabtay Juventus sannadkii 2022, laakiin dhaawacyo iyo ganaaxyo ayaa saameyn ku yeeshay xirfaddiisa tan iyo markaas. Waxa uu hadda wajahaya culeysyo badan, balse hadalladiisa ayaa mar kale muujinaya sida ay Manchester United qalbigiisa u gelisay raad aan marnaba tirtirmayn.