MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa 24-kii saac ee u dambeysay baraha bulshada qabsaday warar sheegaya in madaxweynuhu xilka ka qaadayo Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe islamarkaana lagu badalayo Taliyihii hore ee Mahad Salaad.
Faafida wararka nuucaani waxay ka dhasheen talooyin la sheegay in Madaxweyne Xasan lagu siiyay inuu wax ka badalo qaar ka mida hogaanada ciidamada sida taliska Nabad sugida oo kale.
Madaxweyne Xasan waxaa la soo sheegayaa in talooyinkaasi ay gaareen balse uu gabi ahaanba ganafka ku dhuftay oo diiday xiligaan adag in lagu sii degdego xil ka qaadis iyo magacaabis cusub intaba.
Madaxweynaha oo kulan muhiim ah la qaatay saraakiisha Milateriga oo uu hogaaminayay Taliye Odowaa ayaa kala hadlay arimo aan bulshada loo gudbin laakiin uun ku saasan sidii loo xalin lahaa qaladaadka ka dhacay ciidamada iyo hogaankooda kuwaasoo sababay in guul darooyinkii ugu dambeeyay ee sababay in Alshabaab qabsadaan degmadii ugu horeysay oo Gobolka Shabeelaha dhexe ka mida .
Wararka baraha bulshada lagu faafiyay oo loo ekeysiiyay in xilkiiba laga qaaday Sambaloolshe ayaa aad loogu wareejiyay sawirada taliyihii hore ee NISA Mahad Salaad .
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM