whitebackground600
Home Blog Page 85

Labada Kooxood Ee Uu Zinedine Zidane Aqbali Karo Inuu Tababare U Noqdo Oo La Shaaciyay

Zinedine Zidane ayaa doonaya inuu dib ugu soo laabto shaqada tababare laakiin kaliya waxa uu doonayaa labo kooxood midood inuu qabto.

Bishii May 2021kii ayuu halyeeyga kubada cagta Zidane ka tagay kooxda Real Madrid oo uu mar labaad tababare u noqday ka dib markii uu ku guuldareystay inuu koob kula guuleysto xilli ciyaareedkii 2020/21.

Ka hor waqtigaas, Zidane wuxuu Real Madrid u qaaday seddex champions league  oo isku xigta iyo koobka horyaalka La Liga oo uu labo jeer ku guuleystay.

Tan iyo markii uu Madrid ka tagay ku dhawaad afar sannadood ka hor, Zidane ayaan weli ku soo laabanin shaqada tababarenimo, laakiin taasi way isbedeli kartaa isagoo ku dhow inuu helo shaqadiisa riyada.

Wargeyska The Guardian ayaa sheegay inay hubaal tahay in Zidane uu shaqada tababarenimo ee xulka Faransiiska ka bedeli doono Didier Deschamps, waxaana ugu wacan ayay yiraahdeen inaysan jirin tababarayaal badan oo Faransiis ah oo ka dhex muuqda horyaalada Yurub.

Haddii loo soo bandhigo shaqada, waxay markaas u badan tahay inuu 52 jirkaan aqbali doono, iyadoo horay loo sheegay in Zidane uu aqbalayo kaliya labo shaqo midood inkastoo ay xiiseynayaan qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn kubada cagta.

Sida ay sheegtay jariirada Marca, Zidane ayaa kaliya ku soo laaban doona shaqada tababaarenimo haddii loo soo bandhigo fursad uu ku hogaamiyo xulka Faransiiska ama haddii loo soo bandhigo inuu ku laabto Santiago Bernabeu.

Labada shaqo ee uu Zidane aqbali karo waa kaliya xulka Faransa ama kooxdiisa hore ee Real Madrid oo uu haatan hogaaminayo tababare Carlo Ancelotti.

Darwin Nunez Oo War Ka Soo Saaray Mustaqbalkiisa Xilli Lala Xidhiidhinayo Bixitaanka Kooxda.

Nunez ayaa ka hadlay Liverpool inta uu ku maqan yahay waajibaadka xulkiisa Uruguay isbuucaan, isagoo qirtay inuu aad u jecel yahay inuu ” ilaabo” dhibaatooyinka joogtada ah ee heer kooxeed.

Inkasta oo ay Liverpool u dhaqaaqday hanashada horyaalka Premier League, Nunez waxa uu soo maray xilli ciyaareed niyad jab leh xilli ciyaareedkii 2024/25.

Saxiixa £85m ayaa hoos u dhacay heerkii ugu sareeyay tan iyo imaatinka Arne Slot wuxuuna sii wadaa inuu halgan u galo sidii uu u muujin lahaa waxqabad joogto ah.

Liverpool ayaa lala xidhiidhinayaa weeraryahano ka ciyaara yurub kana mid yahay xiddiga Newcastle ee Alexander Isak – taasoo u muuqata isku day lagu doonayo in lagu bedelo Nunez, oo qudhiisa ay xiiseynayaan Saudi Arabia.

Isagoo ka hadlayay xaaladiisa majaladda El Pais ee reer Uruguay, 25-jirka ayaa qirtay inuu ku dhiiraday “inuu wax yar ka iloobo waxa ka dhacaya [Liverpool]” isagoo raadinaya nasasho xulka qaranka.

“Waan ku faraxsanahay inaan ka fikiro xulka qaranka, anigoo ku raaxaysanaya daqiiqad kasta, kuwani waa waqtiyo aad ku dhex jirto kubada cagta, sidaan dhawaan sheegayna, ma ihi qof si dhiiba sababta oo ah si fiican uman ciyaarin”.

Bruno Fernandes Oo Loo Sheegay In Uu Isaga Tago Man United, Sabab.

Kabtanka Manchester United Bruno Fernandes ayaa loo sheegay inuu isaga tago kooxda oo uu ku biiro koox awood u leh inay koobab ku guuleysato.

Fernandes ayaa ku guuleystay Carabao Cup iyo FA Cup tan iyo markii uu United kaga soo biiray Sporting 2020, laakiin Red Devils ayaa weli fogaaneysa inay u tartanto Premier League.

Laacibka seddexda jeer ku guuleystay Premier League Joe Cole ayaa aaminsan in Fernandes uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan gaar ahaan in 30 jirkan uu wajahay dhaleecayn xoogan.

“Haddii aan ahay Bruno Fernandes, waxaan gabi ahaanba raadin lahaa inaan ka tago Manchester United,” Cole ayaa u sheegay Paddy Power.

“Isagu waa xiddiga ugu horeeya ee mar walba hela dhaleecaynta qof walba”.

“Waxa laga yaabaa in uu habeenkii gurigiisa aado oo uu la yaaban yahay sababta uu qof walba isaga u dhaleeceeyo, waxa jira xiddigo kale oo aan si fiican u ciyaarayn”.

Tuchel Oo Sheegay Sababtii Xulka England Ugu Fashilmay Euro 2024.

Thomas Tuchel ayaa aaminsan in England ay ku guuldareysatay inay ku guuleysato Euro 2024 sababtoo ah ma aysan helin wax cadeyn ah, waxaana uu sheegay in ciyaartoyda ay ka baqayeen inay guuldareystaan.

Inkastoo ay ku dhibtoonayeen inay wacdaro ka dhigaan Euro 2024 xagaagii hore, kooxda Gareth Southgate ayaa ku guuleysatay inay gaarto finalka iyada oo guuldaro 2/1 ah kala kulantay Spain.

Southgate ayaa si aad ah loo dhaleeceeyay intii u socday tartanku iyadoo weeraryahanadii hore ee England Gary Lineker iyo Alan Shearer ay ka mid ahaayeen kuwa si weyn u dhaleeceeyay qaab ciyaareedka xulka.

Tuchel waxa uu bedelay Southgate macalinka England bishii October, tababarihii hore ee Chelsea ayaa isku diyaarinaya inuu qabto kulankiisii ​​ugu horeysay iyadoo Three Lions ay Wembley kula ciyaari doonaan Albania kulankooda furitaanka is reeb-reebka Koobka Adduunka 2026 habeenka Jimcaha.

Markii la waydiiyay in xulka England lahaa qaab ciyaareed cad markii uu Southgate hogaaminayay ayuu Tuchel yidhi”Maya Ma lahayn xagaagii hore”.

Markii la weydiiyay waxa maqan, Tuchel wuxuu ku jawaabay: ‘Aqoonsiga, caddaynta, laxanka, ku celcelinta qaababka.

Alshabaab oo mar kale duleedka Muqdisho lagu arkay maanta

AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Koox ka tirsan Alshabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Xaawo-Cabdi oo dhaca inta u dhexeysa Afgooye iyo Magaalada Muqdisho.

Kooxdaan oo kaliya is muujin ka rabay ayaa qaar ka mida gaadiidka waxay ku istajiyeen kuna baareen deegaankaasi Xaawo Cabdi balse daqiiqado kadib waxaa goobta gaaray ciidamada amaanka Dowlada Somalia ee meelahaasi ka ag-dhawaa.

Ciidamadaan oo Booliis iyo nabad sugid isugu jiray ayay fooda is dareen kooxda Alshabab kuwaasoo goobta laga raacdeeyay daqiiqado kadib,xili wararka qaarna sheegayaan in hubkii ay wateen qaar lagala haray islamarkaana xaalada markiiba caadi lagu soo celiyay.

Alshabaab ayaa sidoo kale saaka duulaankii ay ku qaaden deegaanka Sabiib ilaa caawa saameynteeda halkaasi laga dareemayaa walow ciidamada Dowladu ay Alshabaab ka saareen deegaankaasi markii ay saaka waqti kooban la wareegeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Booliiska Somalia oo soo qabtay mid ka mida laba wiil oo dhawaan Masaajidka ku soo duubat fal anshhax xumo ah

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Somalia gaar ahaan kuwa Magalada Muqdisho ayaa soo qabtay mid ka mida laba wiil oo dhawaan Masaajidka Cali Jimcaale  ku soo duubay fal anshhax xumo ah kadibna baraha bulshada lagu faafiyay.

Booliiska oo ahaa kuwa Saldhiga Degmada Wadajir ayaa garab ka helay qaar ka mida Shacabka Dagmadaasi kadibna waxay gacanta ku soo dhigeen Saabir Cabdi Xasan oo 18 jir ah, kuna eedeysan in uu ku kacay falal anshax-xumo ah, oo liddi ku ah diinteena suuban.

Falka ay ku kaceen Saabir iyo wiil kale oo wali aan la soo qaban ayaa maalmihii ugu dambeeyay si weyn u qabsaday baraha bulshada markii ay muuqal iska duubeen iyagoo xubnahooda taranka is tusaya xili ay asaga soo ku dhex duubeen Masaajidkii Alle ee cibaadada loo tagayay.

Sida ka muuqata sawirka Booliisku soo bandhigeen Saabirka la soo qabtay ayaa saaxiib-kiisa tusaya xubintiisa taranka.

Saabir oo hada xabsiga ku jira ayaa dhawaan intaan la qaban wuxuu ka soo muuqday baraha bulshada isagoo dhahaya waan cabsanayaa booliiska i raadinaya,sidoo kale wuxuu sheegay wixii ay sameeyeen inuu ahaa fal aad u xun balse ay dhalinyaranimada ka tanbadisay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 4 people and text

XOG: Abiye Axmed oo rabitaankiisa badda la aaday dhanka Eritrea

ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Raisal Wasaaraha ItoobiyaAbiy Axmed ayaa sheekadiisii bad raadinta markaan la aaday dhanka dalka Eritrea iyadoo ay taagan tahay xiisad labadaasi dal ka dhex taagan sidii ay hore iskugu hayeen Somalia oo kale.
 Abiy Axmed oo ayaa daboolka ka qaaday in Dalkisu duullaan ku ahayn dalka Eritrea laakiin kaliya ay rabaan inay si nabada ku gaaraan Biyaha badda cas isaga madaama Baddii Itoobiya ay martay dhanka Eritrea balse sodomeeyo sano ka hor ay ka go’day dalka Itoobiya islamarkaana noqotay dal ka baxsan oo madax banaan.
War shalay ka soo baxay dhanka Dowlada Eritrea ayaa lagu dhaliilay Itoobiya inay wadaan qorshe dagaal labada dhinac ah si ay ku qabsadaan  xeebaha dalka Eritrea.
“ Itoobiya, cabsaneyso weeraro kaga yimaada dalalka aannu deriska nahay waana isku filanahay hadafkeenu waa inaan nabad helnaa oo kaliya”ayuu yiri Abiye Axmed.
Dhanka kale mar uu soo hadal qaaday xiisadii Badda ee hore uga dhex taagnayd Somalia ayuu carabka ku adkeeyay inay xal u heleen.
“waa  ogtihiin sidii aannu u xalinay wararkii hore loo sheegi jirey ee ahayd dagaal ayaa inooga imanaya Soomaaliya” ayuu mar kale yiri Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya .
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Wasiirka cusub ee Ganacsiga oo xilka kala wareegay Wasiirkii hore+SAWIRRO

May be an image of 4 people, dais, newsroom and textRa’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmad Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), iyo Wasiirkii hore, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub in uu hirgeliyo hiigsiga dowladda ee ku aaddan horumarinta ganacsiga, kobcinta dhaqaalaha iyo warshadaha, si loo xoojiyo wax soo-saarka dalkeenna ee dhanka warshadaha iyo xiriirka wax is-dhaafsi ee aynu la leenahay caalamka, maadaama dhowaan aynu ku biirnay Ururka Ganacsiga Adduunka.
Mudane Saalax, ayaa xusay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ay laf-dhabar u tahay hay’adaha dowladda, sidaas darteedna Wasiirka cusub looga fadhiyo in uu hormuud ka noqdo fududeynta ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.May be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 6 people and car

Madaxweynaha oo gaaray Magaala xeebeedka Caddalle+SAWIRRO

Cadalle, Maarso 20, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Cadale ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullahi Xuseen, masuuliyiin heer Federaal iyo heer-dowlad goboleed ah, saraakiil iyo Taliyeyaal Ciidan.
Madaxweynaha ayaa u kuur galaya furimaha dagaalka iyo saldhigyada hoggaaminta howlgalka xoreynta dalka, isagoo jiidda hore kulammo kula qaadanaya halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, Madaxda iyo bulshada deegaanka, si loo sii amba-qaado guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bulshada ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle ku bogaadiyey garab istaagga ay u muujiyeen Ciidamada Qaranka, isagoo xusay awoodda ay maanta u leeyihiin dhammeystirka howlgalka xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisada iyo dib u hagaajinta deegaannada laga xoreeyey cadowga oo ay ka jirtay nolol iyo duruufo adag.
DHAMMAADMay be an image of 3 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 1 person, flute and clarinetMay be an image of 2 peopleMay be an image of 4 people and textMay be an image of 3 people

DAAWO: Ciidamada Cirka Somalia oo hawada ka duqeynaya Alshabaab

Waxaa isbadal xooggan laga dareemayaa awooda ciidaamada cirka ee Dowlada Somalia oo soo kabanaya madaama aysan wax shaqo qaban mudo ka badan 30 sanadood.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ayaa ku guuleystay inuu dib u soo nooleeyo awooda ciidamada cirka ee Dalka kadib markii uu qalabeeyay ciidamada cirka waxaana bilahaan danbe laga dareemayaa furimaha dagaalka xili ay wacdaro ka dhigayaan.

Muuqaal laga soo duubay Ciidamada Cirka Somalia ayaa muujinaya mid ka mida diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Somalia oo  hawada ka duqeynaya ama ka rasaaseynaya Alshabaab xili ciidamadii dhulka laftoodu daawanayaan.

Talaabada dib u soo noleynta ciidamad Cirka Somalia waxay niyada u dhiseysaa ciidamada dhulka ee dalka kuwaasoo mooral ahaan sidii hore ka fiicanaan kara markey arkaan in markii culeys ay dareemaan ay wacan karaan diyaaradaga dagaalka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS