Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani uu qaatay go’aan kala cadeynaya inuu aqbalay gogosha uu dhigay Madaxweynaha Soomaaliya ee loo magac daray shirka wada-tashiga qaran.
Sida aan xogta ku helnay Saciid Dani ayaa aqbalay ka qeyb-galka shirka wada-tashiga kadib cadaadis beesha Caalamka ay ku saartay inuu aqbalo shirkaasi.
Dowlada Somalia oo casuumaad rasmi ah u dirtay Saciid Dani ayaa ugu dambeyn xaqiijisay inuu Saciid Dani qeyb ka yahay shirkaani sida aan ku helnay warar ku dhaw dhaw arimahaani.
Ajandaha shirkaani uu gogoshiisa dhigay Madaxweyne Xassan ayaa lagu sheegay xalinta khilaafka iyo kala aragti duwaanshaha jira marka la eego Dowlada iyo qaar ka mida maamul Goboleedyada iyo waliba siyaasiyiinta mucaaradka.
Dhanka kale waxaan kala cadeyn in Dowladu martiqaaday Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo Dowladu dhawaan u jartay waaran xarig ah,sidoo kalana ay jiraan dagaalo dhiig ku daatay oo dhex-maray Ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamulka Jubaland.
Waxaa jira warar sheegaya in Dowladu dooneynba inuu Axmed madoobe ka qeybgalo shirka madaama uu eedeysane ka yahay dhankooda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM