Home Blog Page 5

Maxay ka wada hadleen Gudiga dib u eegista Dastuurka iyo Gudoonka labada aqal+SAWIRRO

May be an image of 5 people, dais and textMuqdisho-Soomaaliya 23, April, 2025: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye Kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Senator Cabdullaahi Xirsi Timacadde ayaa kulan la qaatay Guddiga Lasocodka iyo Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo sidoo kale Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen habdhowrka Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo xoghayaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxaa guddiyadda qaabilsan dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka ay guddoonka labada aqal la wadaageen warbixin ku saabsan marxaladaha ay marayaan howlaha la xiriira dib u eegista dastuurka iyo qorshayaasha uga degsan xiliga ay Baarlamaanka horgeeynayaan cutubyada harsan.
Ugu dambeyn Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Lasocodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale guddiga Madaxabanaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa isku raacay dardargelinta howlaha la xiriira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka.
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 6 peopleMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, dais and text

Midowga Yurub oo iska riixay bixinta dhaqaalaha Nabada Somalia ku bixin jirey

BRUSSELS (DAYNIILE.COM)-Dhawaan Mareykan baa ka gows adeegay bixinta dhaqaalihii uu Somalia sida joogtada ah ugu bixin jirey hadana waxaa markooda albaabada ka xiranaya Midowga Yurub inkastoo si buuxda aysan wali ugu dhawaaqin.

Midowga Yurub wuxuu markii ugu horeysay ku dhawaaqay in  mustaqbalka amniga Soomaaliya uusan ku  tiirsanaan karin dhaqaalaha ay bixiyaan iyagoo ula jeeda inaysan sii wadi karin taageerada Somalia gaar ahaan maal-gelinta ciidamada Midowga Afrika iyo mida ay Dowlada siiyaan.

Midowga Yurub ayaa Magaalada Brussels  waxay ka sheegeen inay tahay in la wada qeybsado dhaqaalaha ku baxa Somaia iyagoo soo tiriyay dalal mareykanka,Shiinaha iyo Carabta ,waxay adeegsadeen ereyga in cadaalad loo qeybsado dhaqaalaha howlgalka nabad ilaalinta Somalia.

Midowga Yurub wuxuu soo jeeiyay in wixii hada ka danbeeya Carabta.Shiinaha iyo Mareykanka looga baahan yahay inay bixiyaan qarashaadka nabad ilaalinta Somalia hadii sida ay sheegen  la rabo in horumar laga sameeyo nabada Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMidowga Yurub oo Soomaliya usoo magacaabay Ergey cusub – Radio Daljir

XOGTA: Qaladadka ku jira heshiiska Somalia kula gashay Turkida soo saarista shidaalka

Marka dib loo eego heshiiska Somalia kula gashay Dalka Turkiga inuu Somalia shidaal u soo saaro waxaa kuu soo baxeysa in shidaalka ay Somalia marti ka tahay oo Turkigu uusan Somalia dhaqaale u soo kordhineyn balse uu isaga dhaqaale kororsanayo oo kaliya.

Heshiisku uma eka mid laba dal oo siman ay kala saxiixdeen ee Turkigu wuxuu si toos ah uga faa’iideysanayaa tabar darida maanta heysata Somalia  hadii ay run tahay sida xogya aan ku helnay in heshiisku u qoran yahay.
Waxaa la sheegayaa in Dawladda Turkiga ay 90% qaadaynayso wax-soo-saarka shidaalka Soomaaliya ka hor inta aan faa’iidadiisa la qaybsan, taasoo macnaheedu yahay inay u qaadanayaan dhaqaalaha ka galaya baarista iyo soo saarista shidaalka.
Heshiiskii  7 March 2025 Soomaaliya iyo Turkigu wada galeen ayaa sidaas qoraya, sidoo kale Turkigu durba waxay geeyeen
Baarlamanka dalkaasi si uu ansixiyo mana cada inay ansixiyeen iyo wali tahay.
Waxaa kale oo soo baxaya in marka la gaaro faa’iido qaybsiga shidaalka, Soomaaliya la siiyo 5% oo kaliya taasoo hadii ay run tahay ka dhigeysa shidaalka in Turkigu isaga soo saaranayo ee uusan Somalia u soo saareyn.
Heshiiska sida la sheegayo waxba waxbaa ka sii darani waxa la leeyahay waxaa uu dhigayaa ama qorshaha Turkigu yahay in sideedaba xitaa maamulisiisa iyo iib geyntiisa uu Turkigu leeyahay oo Soomaaliya aanay halkaasi boosba uga banaaneyn.
Soomaaliya waxaa la leeyahay waxba lagama weydiinayo arrimaha Shidaalka oo dunida waxay heshiisyada la galayaan dalka Turkiga marka ay shidaalka Somalia iibsanayaan.

XAFIISAK WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of textMay be an illustration of textMay be an illustration of blueprint and textMay be an illustration of blueprint and textMay be an image of blueprint and textMay be an illustration of blueprint and textMay be an illustration of blueprint and textMay be an illustration of blueprint and textMay be an illustration of blueprint and textMay be an image of text that says "ENTRY INTO 12.1 ARTICLE1 This DURATION notification which the Parties receipt Party hereby covenants other, through diplomatic channels, other shail promptly and properly take necessary measures following the 12.3 order make Agreement legislation Agreement, effective under the rules Parties' states, This rules those Party Agrecment shall apply. periods writing through unless one channels extended The termination notifies already expiration progress Agreement İstanbul Signed authentic. projects 2024 Turkish, any divergence English languages, English finterpretation, Behalf texts being the Governmentof shall prevail. Behalf Federal Government Federal Republic Somalia Nhouchhol. BAYRAKTAR Energy Minister Resources Abdirizak MOHAMED Türkiye and Mineral Resources Federal Republic"

Koox Diimeed cusub oo ka soo caan baxday Dalka Nigeria

Gunmen kill seven in Kwara attacksKWARA (DAYNIILE.COM)-Kooxo cusub oo ah Koox diimeed ayaa ka soo caan-baxday magaalooyinka Kaiama iyo Baruten ee Ismaamulka Gobolka Kwara ee Dalka Nigeria.

Kooxdaan jihaad doonka ah ee cusub waxay la baxeen Maxamuuda kuwaasoo hada dar dar ku socda iyagoona bilaabay inay maamulaan oo dadka xukumaan marka la eego magaalooyinka ay hada ka aas ‘aasmeen.

Sida ay sheegtay idaacada BBC kooxdaan ayaa  gabaad ka dhigteen Beerta Qaranka ee harada Kainji, halkaasoo ay ka wadaan weeraro ay ka geystaan magaalooyinka ku teedsan beerta iyo xitaa deegaano kale oo ka tirsan gobolka Niger.

Kooxdaan waxaa la soo sheegaya inay meelaha ay joogaan dadna xireen dadna xukumeen islamarkaana ay si cabsi la’aan ah isaga mushaaxayaan magaaooyinkaasi ay gacanta ku hayaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dowlada Sacuudiga oo amar ka soo saartay arinta xajka ee sanadkaan

RIYADH (DAYNIILE.COM)-Dowlada Sacuudiga ayaa amar dul dhigtay muslimiinta dooneysa inay sanadkaan axcmaasha xajka soo gutaan iyagoona u digay cid kasta oo amaradooda dhinac marta.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa fartay qof kasta oo doonaya xajka sanadkan (1446 AH) inay qasab ku tahay nay heystaan fiisaha kaasoo ay ka dalban doonaan barta Nusuk iyadoo la marayo hannaanka mideysan ee casriga ah ee bixinta fiisaha Xajka kaasoo lagu magacaabo Tasriix.

Wasaarada Xajka waxay adkeyneysaa in loo hogaansamo awaamiirtooda si loo ilaaliyo nidaamka iyo amniga gudashada xajka.

Wasaaradu  waxay ka digeysaa in la isku qaldo Viisaha dal ku galka caadiga ah iyo viisaha u qaaska ah Xajka,iyagoo tusaale u soo qaatay inay jiraan dad u fahmay in lagu soo xaji karo fiisaha caadiga ah ee Sacuudiga,waxaana la ogol yahay kaliya Viisaha Xajka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dal-xiisayaal lagu xasuuqay Kashmiir dhanka India Maamusho

Kashmir attack live: India searches for gunmen after 26 killed in PahalgamKASHMIR (DAYNIILE.COM)-Kooxo hubeysan ayaa la soo sheegayaa inay dad dalxiisayaal ah ku laayen gobolka Kashmiir dhanka Dalka Hindiya ay maamusho.

Kooxahaasi hubeysan ayaa 26 ruux waxay ku dileen Pahalgam oo ka tirsan gobolka Kashmiir dhanka Hindiya ay maamusho.

Ciidamada ammaanka ee Hindiya ayaa baadigoobaya dableydii ka dambeysay weerarkaasi dhimashada badan iyadoona dal-xiisayaasha la laayay ay dhamaantood yihiin rag.

Sida wararku tilmaamayaan dhacdadii ayaa noqoneysa tii ugu dhimashada badneyd muddo tobanaan sano ah oo ka dhacda gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir.

Raiisel wasaare Narendra Modi, oo soo gaabiyay booqasho qaran oo uu ku joogay Sacuudi Carabiya, ayaa dhalleeceeyay falkaani foosha xun, wuxuuna ballan-qaaday in kuwii weerarka geystay la soo taagi doono sharciga.

Koox yar oo caan ah, iska caabinta Kashmir, ayaa fariinta baraha bulshada ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo muujiyay sida ay uga xun yihiin in in ka badan 85,000 Dibad-joog ah la dejiyay gobolka, taasoo keentay isbeddel bulsho.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Naiijada kulamadii Galabta ee Ciyaaraha kubada koleyga Degmooyinka Muqdisho

Waxaa Galabta Garoonka Wiish Stadium ka dhacay laba kulan oo ka tirsan ciyaaraha Kubada koleyga ee degooyinka Gobolka Banaadir.May be an image of 11 people, people playing basketball, people playing American football and text
Kulankii dhex-maray Xamar Jajab iyo dharkeenleey waxaa adklaaday ciyaartoyda degmada Dharkeeneely.
Xamar Jajab 27-37 Dharkeenleey.May be an image of 14 people, people playing basketball and text that says "ဇ S ASTAAN 6POET6 TARMA TARTANKA KUBADA KOLAYGA DEGMOOYINKA GOBALKA BANAADIR 2025 မလိုးသ"
Sidoo kale waxaa galabta is arkay degmooyinka kale ee kala ah
Howl-wadaag iyo Heliwaa waxaana adkaaday si dirqi ah Heliwaa.
Howlwadaag 34-35 Heliwaa.May be an image of 7 people, people playing basketball and textMay be an image of 9 people, people playing basketball, people playing American football and text

Xafladda soo dhaweynta Guddoomiyaha xiriirka Kubbadda cagta Djibouti oo Muqdisho lagu qabtay

May be an image of 3 people, people playing football and text that says "WELCOME SOULEIMANWAABERI SOULEIMAN WAABERI FIFAOOG SFF SFF FIFA S 맞국"MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflada soo dhaweyn oo loo qabtay Guddoomiyaha xiriirka Kubbadda cagta Djibouti ahna guddoomiye ku xigeenka CAF, Suleymaan Waaberi.

Masuukaani oo dhawaan Muqdisho soo gaaray ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Madaxweyne Xassan iyo madaxda Xiririka kubada cagta Somalia.

Fanaaniin waa weyn sida Nimcaan Hilaac ayaa xaflada soo dhaweynta ku sugnaa kuwaasoo heeso ka qaaday.

Madaxweynaha Xiririka kubada Cagta Cali Shiino ayaa ka qeybgalay xaflada iyo masuuliyiin kale.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM May be an image of 1 person, playing football, crowd and text that says "ព្រ WELCOME SOULEIMAN WAABERI FIFA SFF S 함게"May be an image of 3 people and text that says "WELCOME SOULEIMAN WAABERI FIFA FIFAOOG SFF 5 대생고"May be an image of 6 people, people playing football, newsroom and textMay be an image of 8 people, people playing football, newsroom and text that says "WELCOME SOULEIMAN WAABERI FIFA S SFF SFF FIFAOOO FF 별경 F"May be an image of 5 people, people playing football, people playing American football and text that says "HASS SS WABERI SFF MIND COOXDA KOOXD OX KOOXD HIDDO OXDA HIDDO HIDDO D KOA tel HIDDO WELCOME SOULEIMAN WAABERI R tel FIFA SFF C 営ぶ"May be an image of ‎2 people, people playing American football, people playing football and ‎text that says "‎5 IFA ወር FIF r صمن WELCOME SOULEIMAN WAABERI $ 品N FIFA S 문과 IA ET MIAZEERA SFF FIFA‎"‎‎May be an image of 2 people, people playing American football, people playing football and textMay be an image of 4 people, people playing football, newsroom and text that says "WELCOME SOULEIMANWAABER SOULEIMAN WAABERI FIFA SFF SFF 대은과"May be an image of 3 people, people playing football, newsroom and text that says "VOELCOME SOULEIMAN SOULEIMANWAABER WAABERI FIFA CAF FIFAOOG 떡쌀과국 S SFF"May be an image of 4 people, people playing football, people playing American football, newsroom and text that says "WELCOME SOULEIMANWAABE SOULEIMAN WAABERI FIFA FIFAOOQ SFF SFF s 떡떡고"May be an image of 2 people, newsroom and text that says "WOELCOME SOULEIMAN SOULEIMANWAABE WAABERI FIFAÕOO 1 FIFA CAF F લો SFF SFF"May be an image of 4 people, people playing football, newsroom and text that says "WOELCOME SOULEIMAN WAABERI FIFA S SFF 떡책과 FIFAOOG 焼子か AF"May be an image of 2 people, people playing football, newsroom and text that says "WELCOME SOULEIMAN WAABERI FIFAOO@ 소과 FIFA S SFF SFF"May be an image of 3 people, people playing football, newsroom and text that says "VOELCOME SOULEIMAN WAABERI FIFAOO@ F FIFA SFF 떡각"May be an image of 8 people and text that says "HASTT WELCOME SOULEIMAN WAABERI FIFA SFF S হম ጋትና"

Maxaa kala qabsaday Macawisleyda Beesha Xawaadle iyo Alshabaab ku sugnaa nawaaxiga Abooreey

Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa caawa weerar culus ku qaaday dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Aboorey ee gobolkaas.
Howlgalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada difaaca deegaanka ay ka war heleen Khawaarijta isku aruursanaysa aagga Aboorey, waxay halkaas ku qaadeen weerar cashir loogu dhigay Khawaarijta, khasaare xooggana lagu gaarsiiyey.
Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay Khawaarijta gaarsiiyeen, isla markaana howlgalkaas uu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen.
Ciidamada Difaaca Deegaanka ayaa gacanta ku haya goobtii uu ka dhacay howlgalkaas ee Khawaarijta lagu laayey caawa, sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen.
Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay sidaan oo kale weerar ugu qaaday Khawaarij isku aruursatay inta u dhaxaysa deegaanka Mabaax iyo degmada Aadan-yabaal, waxayna cadowga gaarsiiyeen khasaare culus, kuna guuleystay inay ka hor tagaan dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Sababta booliska Australia ay toogasho ugu dileen nin Soomaali ah oo Afrikaanka Melbourne ay ka caroodeen

=XIGASHO BBC SOMALI=Booliska Victoria ayaa weli wada baaritaanno la xiriira dilka toogashada ay u geysteen ninkan Soomaaliga ah ee 35 jirka ah oo ay sheegeen inuu ku hubeysnaa torreey.

Booliska Australia ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen nin ka mid ah Soomaalida ku nool magaalda Melbourne oo ay sheegeen in uu middi ku hubaysnaa. Arrintaan waxaa aad uga carooday Soomaali iyo Afrikaan kale oo ka banaanbaxay dilkaas.

Ninka Soomaaliga ah ee ay booliska toogteen ayaa waxaa la yiraahdaa Cabdifataax Axmed, waxaana la sheegay inuu la tacaalayay xanuunka dhanka maskasxda ah.

Dadka bannaanbaxa dhigayay waxaa ka mid ah Fartuun Axmed oo ku sugan magaalada Melbourne ka tirsan ururrada Jaaliyadda ee ka dhisan dalkaas. Waxay BBC-da u sheegtay in sababta ay u bannaanbaxeen ay tahay inay ka dhiidhiyaan dhibaatadii iyo dilkii loo geystay Cabdifataax.

“Waxaan halkaan isugu soo baxnay anagoo ah Jaaliyadaha Soomaalida ee Victoria iyo kuwa Afrikaanka ahba inaan inaan ka hadalno oo aan ka mudaaharaadno dhibaatadii iyo dilkii foosha xumaa ee loo geystay walaalkeen Cabdifataax Axmed taas oo dhammaanteen argagax iyo shoog nagu riday” ayay tiri Fartuun Axmed.

Waxay intaas ku dartay in falkaasi aysan marnaba ka filayn booliiskii ay doonayeen inay nabad-gelyadooda ilaaliyaan.

Waxaan farriin dheer u direynaa dowladda Australia iyo gaar ahaan dowladda Victoria inay arrintaas tallaabo ka qaadaan oo ay arrintaas sida ay ku dhacday oo cadeynteeda leh nala wadaagaan haddii aanu nahay jaaliyadaha ka dhisan Victoria.Ninka Soomaaliga ah ee ay booliska toogteen ayaa waxaa la yirahadaa Cabdifataax Axmed waxaana la sheegay inuu la tacaalayay xanuunka dhanka maskasxda ah.

Dhanka kale waxaa BBC-da la hadashay Ubax Xaanshi oo dukaan ku leh meel aan ka fogeyn goobta lagu toogtay Cabdifataax, kana mid ahayd dadkii soo qaban-qaabiyay mudaahaaradka.

“Waxaan degganahay meesha lagu dilay agteeda oo aan dukaan ku haystaa, marka arrinta aniga aad bay ii taabatay sabtaas ayaana igu kalliftay inaan kaco oo aan Soomaalida abaabulo oo aan muddaaharaadno, oo aan xaqa wiilkaan walaalkeen ah iyo xaqeenaba ka soo dhacsano, marka umadda Soomaaliyeed waxaan kula talinayaa inay midoobaan oo dad inay yihiin la arko iyo inaan dhisano jaaliyad adag oo keliya shaqeysa daneheena xitaa haddii aysan dowladda dhaqaale siinin anaga aan iska aruurino dhaqaale la siiyo si carruurteena iyo nafsadeenuba u badbaaddo”, ayay tiri Ubax.

Booliska Victoria ayaa weli wada baaritaanno la xiriira dilka toogashada ay u geysteen ninkan Soomaaliga ah ee 35 jirka ah oo ay sheegeen inuu ku hubeysnaa torreey. Cabdifataax ayaa waxaa la dilay habeenimadii Khamiistii la soo dhaafay.

Sarkaal u hadlay booliska ayaa sheegay in la soo wacay oo markii ay goobta soo gaareenna ay arkeen ninkan oo toorrey ku hubeysan kuna amreen inuu dhigo toorreyda.

Sarkaalka booliska ayaa sheegay in labada askari ay rasaasta wada fureen maadaama sida ay la sheegay aysan wadan aaladaha kale sida sunta ka ilmeysiisa iyo korontada qofka gariirisa, waana sababta Soomaalida iyo Afrikaanka kaleba ka careeysiisay oo dibadbaxaan boqollaalka qof ka soo qeyb-gashay loogu qabtay halka lagu dilay Cabdifataax Axmed.Meyda Cabdifataax weli lama aasin oo waxaa haya booliska, baaritaano ayayna wadaan

Meydka Cabdifataax weli lama aasin, waxaana haya booliska, baaritaano ayayna wadaan iyadoona la filayo in toddobaadkaan dhexdiisa ay war ka soo saaraan dilkiisa isla markaana ay fasaxaan si loo aaso.

Dhanka kale BBC-da ayaa la hadashay Dr Aweys Cumar oo ka hawlgala mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada uu ka soo guuray wiilka la dilay ee galbeedka Australia, waxaana la weydiiyay waxa ka suuroobi kara dadka qaba xanuunada dhimirka ee maskada.

“Jawaabta waxay tahay wax-walba ayaa ka suurtoobi-kara, caruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee aan aniga gacanta ku hayo ama aan daweeyo waxay qabaan xanuuno dhanka dhimirka ah, qaarkood waxay isticmaalaan daroogo. Waa ay ahayd in booliska aysan dilin oo ay ku furaan sida waxyaabaha korontada oo kale ah”.

Waxa uu Dr Aweys sheegay in Soomaali badan ay qabaan xanuunnada dhanka dhimirka ah loona baahan yahay in isha lagu hayo.

=XIGASHO BBC SOMALI=

- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS