Home Blog Page 4

Ciidamada Dowlada oo fashiliyay weerarkii Saaka Alshabaab ku qaadeen Wargaadhi

May be an image of 1 person and textWARGAADHI (DAYNIILE.COM)-Sida ay cadeeyeen saraakiisha hogaamineysa ciidamada Xooga dalka ee ku sugan Deegaanka Wargaadhi waxaa fashilmay weerarkii saaka Alshabaab ku doonayeen inay ku qabsadaan deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeelaha dhexe halkaasoo ah taliska ciidamada Dowlada ee laga hago guud ahaan dagaalada Gobolkaasi.

Saraakiil u hadashay Ciidamada Xooga ee saaka ka dagaalamay Deegaanka Wargaadhi ayaa saxaafada u xaqiijiyay inay fashiliyeen weerarkii saaka Alshabaab soo qaadeen islamarkaana ay si buuxda iyagu wali gacanta ugu hayaan deegaanka Wargaadhi.

Saraakiishaan oo warbaahinta kula hadashay aargada deegaanka Wargaadhi ayaa qirey inuu jirey weerarka alshabaab sheegteen inay ku qaadeen Wargaadhi aroornimadii hore ee saaka  balse ay iska difaaceen islamarkaana cashir u dhigeen.

Meydad kooxda alshabaab ka tirsan ayaa deegaanka yaala sida saraakiisha iyo masuuliyiinta Dowladu sheegayaan.

Dagaalka Saaka ayaa ahaa mid dhagta loo wada taagayay madaama maalmihii ugu dambeeyay la sii ogaa qorshaha alshabaab ay ku rabeen inay ku qabsadaan madaama uu deegaankaani oo xeebta dhaca muhiim u yahay labada dhinac marka la eego isku socodka ciidamada ee dhanka istaraatiijiyada.

Wargaadhi hadii Alshabaab qabsado waxay quburada dagaalka sheegayaan inay ka dhigan tahay in deegaano badana go’doomi doonaan islamarkaana guu dhaan jiritaanka Dowlada ee xarunta Hirshaballe isna uu qilqiil geli doono.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Shirka Golaha Wasiirada oo war ka soo saaray dagaalada ka dhanka ah Alshabaab

Muqdisho, Khamiis, 24 Abriil 2025: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay guulaha ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanka oo toddobaadkan guulo taariikhi ah ka soo hooyay furimaha dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

Shirka Golaha oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga, guulaha laga gaaray furimaha dagaalka, iyo sidoo kale hawsha iyo dadaalka ay waddaan guddiga taakuleynta dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Dhinaca kale Golaha ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda oo qeexaya dib-u habeynta nidaamka shaqo iyo ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda, isaga oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP 2025-2029).May be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person, beard and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and text that says "no ዓ6 1P"May be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 2 people and dais

Dalalka India iyo Pakistan oo xaalad adag ay ka dhex taagan tahay

Waxaa sii xumaanaya xisiada ka dhex taagan labada dal ee dariska ah Pakistan iyo India kadib weerar dhawaan kooxo hubeysani ku laayeen dalxisayaal ku sugnaa Kashmiir dhanka India.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Dowlada India xiratay xadka ay la wadaagto Pakistan,sidoo kale waxay dalkeeda ka soo ceyrisay diblomaasiyiinta Dalka Pakistan.

Dowlada India oo ka carootay weerarka dalxiisayaasha lagu laayay ayaa sidoo kale waxaa ka mida talaabooyinka ay qaadeen inay hakiyeen heshiis taariikhi ah oo ku salaysnaa qeybsiga biyood.

Weerarkani dalxiisayaasha lagu laayay o ka dhacay meel u dhow magaalada dalxiiska ee Pahalgam ayay Dowlada Pakistaan beenisay inay wax lug ah ku leedahay,waxaana lagu wadaa in Pakistaan maanta war rasmi ah ka soo saarto talaabooyinka ay qaaday Dowlada India.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dood ka dhalatay macallin Jaamacadda Al-Azhar ka dhiga fiqiga oo ku baaqay in rag iyo dumar loo sinnaado dhaxalka

=XIGASHO BBC SOMALI=Dr. Sacad Al-Diin Al-Hilali, oo ah bare sare oo cilmiga fiqhiga ka dhiga Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar

Dr. Sacad Al-Diin Al-Hilali, oo ah bare sare oo cilmiga fiqiga ka dhiga Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar, ayaa mar kale dood ka dhaliyay baraha bulshada, kaddib wareysi uu kaga hadlay sinnaanta dhaxalka ee ragga iyo dumarka, isagoo u arkay inay tahay arrin sharci ah oo fasiraad u furan.

Al-Hilali waxa uu yiri, “Ma jiro wax cad oo Qur’aanka kariimka ah oo mamnuucaya arrintaas, gaar ahaan haddii labada qolo ay isku heer yihiin, sida walaalo”. Waxa uu soo qaatay waaya-aragnimada dalalka kale, sida Turkiga, iyo sharciyo ka dhaqan gala Masar oo “siinaya xaalado nololeed oo siman oo la xiriira labka iyo dheddiga”.

Al-Hilali waxa uu ku baaqay “wada-hadal bulsho iyo afti dadweyne si wax looga beddelo sharciga haddii ay dadku ku heshiiyaan,” taasoo dhalisay falcelin ballaaran.

Jawaabtii ugu horeysay ee rasmiga ah ee hadalada Hilali, Dar al-Iftaa ee Masar waxay dhaliyeen “baaqyada sinnaanta buuxda ee dhaxalka, iyada oo la adeegsanayo ficil tabaruc ah ama afti dadweyne.

Bayaan ay soo saartay Hay’adda Fatwa ee Masar ayay ku sharraxday sharciyada dhaxalka ee hadda jira, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in “qoraalka oo qeexan uusan ku habboonayn dib-u-habeyn iyadoo uu jiro xad aan la dhaafi karin. Ma jiraan wax ka baddel lagu sameyn karo shareecada Islaamka ee la xiriira waajibaadka dhaxalka. Waa waajib saaran Muslimiinta inay ilaaliyaan oo ay fuliyaan, maaha in la beddelo,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay Hay’adda Fatwa ee Masar.

Falcelinada ka dhashay hadallada Al-Hilali ayaa ahaa kuwo is-dhexyaac ah, iyadoo dadka qaar ay is-weydiiyeen ujeeddada iyo xilliga uu ku soo beegay hadalkiisa muranka dhaliyay, gaar ahaan marka loo eego “dabeecadda jilicsan”.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dalbaday in Al-Hilali laga saaro Jaamacadda Al-Azhar, lagalana noqdo shahaadadii doctorate-ka, kadibna loo gudbiyo baaritaan.

Warbaahinta Masar oo soo xiganaysa afhayeenka rasmiga ah ee jaamacadda Al-Azhar Dr. Axmed Zarea ayaa sheegtay in jaamacaddu ay si dhow ula socoto hadalka Al-Hilali ayna dib u eegis ku sameyn doonto. Wuxuu beeniyay in wax baaritaan ah lagu bilaabay isaga.

Zarea waxay ku nuuxnuuxsaday in jaamacaddu “aysan la qabin” hadalada Al-Hilali, ee “ka tarjumaya ra’yigiisa shakhsi ahaaneed.”Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dalbaday in Al-Hilali laga saaro Jaamacadda Al-Azhar, lagala noqday shahaadadii doctorate-ka, kadibna loo gudbiyo baaritaan.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa u arkayay soo jeedinta Al-Hilali in ay tahay mid bulsho iyo mid bini’aadantinimo oo aan khilaafayn diinta.

Halka mid kalena uu u arkayay in weerarkii Al-Hilali uu ahaa weerar lagu soo qaaday “fikir iftiimay”, isagoo muujiyay sida uu u taageersan yahay ra’yiga Al-Hilali.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Al-Hilali dhaliyo muran dhanka diinta ah. Waraysiyadiisii ​​hore mid ka mid ah ayuu ku sheegay in xijaabku aanu ahayn waajib buuxa, sida ay dadka qaar ku andacoonayaan, balse waa arrin tafsiir cilmi ah.

Waa kuma Saadeddine El Hilali

Saad Eddin El-Hilali, waxa uu dhashay 1954-tii, waa bare ku takhasusay cilmiga fiqiga ee Jaamacadda Al-Azhar tan iyo 2015-kii.

1985-kii ayuu qaatay shahaadada PhD-da ee cilmiga sharciga.

Muddadii uu jaamacadda ka tirsanaa waxa uu ka soo qabtay jagooyin kala duwan oo uu ka mid yahay bare sare oo ka tirsan kuliyada shareecada iyo qaanuunka.

Waxa kale oo uu Hormuud ka noqday Kulliyadda Islaamka iyo Daraasaadka Carabiga ee Jaamacadda laanteeda Damietta intii u dhaxaysay 1995 ilaa 1997, iyo Hormoodka isla kulliyadda Aswan intii u dhaxaysay 1994 ilaa 1995.

Waxa kale oo uu madax ka ahaa qaybta sharciga iyo mabaadi’da sharciga Islaamka ee Jaamacadda Kuwait intii u dhaxaysay 2002 ilaa 2004.

Waxa uu helay abaalmarino badan, oo ay ku jiraan Abaalmarinta Dhiirigelinta Gobolka ee 2008 ee Akademiyada Cilmi-baarista Sayniska iyo Tignoolajiyada, iyo Kuwait Foundation ee siisay Abaalmarinta Horumarinta Sayniska ee 2003. Waxa uu qoray buugaag badan.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Dagaalka saaka ka qarxay Deegaanka Wargaadhi oo dhinacyadu guulo wada sheeganayaan

WARGAADHI (DAYNIILE.COM)-Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa saaka aroortii waxay duulaan qaraxyo ku bilowday ku qaadeen deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeelaha dhexe halkaasoo ah saldhiga laga hago dagaalada gobolka shabeelaha dhexe kadib qabsashadii Aadan Yabaal.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayay labada dhinac waxay isu adeegsadeen hubka nuucyada kala duwan iyadoo saacado kadib alshabaab bilaabeen inay sheegtaan guulo iyo inay qabsadeen degaanka wargaadhi.

Alshabaab waxay si gaar ah ugu faanayaan inay qabsadeen saldhigii ciidamada Xooga dalka sida Danab iyo Gor-gor inkastoo saraakiisha Dowlada ay beeniyeen sheegashada Alshabaab.

Warka dhanka Dowlada ka soo baxay ayaa lagu sheegay in la fashiliyay weerarka Alshabaab soo qaadeen islamarkaana meydadkooda uu daadsan yahay daafaha deegaanka Wargaadhi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Macawisleyda Xawaadle “Hadii Sanbaloolshe xilka laga qaado Dowlada waa noo kala dhamaatay

Taliyaha ciidamada Macawisleyda  Beesha Xawaadle ayaa si kulul uga hadlay warar maalmihii ugu dambeeyay ku soo badatay baraha bulshada taasoo in xilka laga qaadayo Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka C/laahi Sambaloolshe.

Taliyahaan u hadlay ciidamada Xawaadle ee dagaalka adag kula jira Alshabaab ayaa si cad u sheegay in hadii xilka laga qaado sambaloolshe oo reerkiisa ka soo jeeda inay iyaga Dowlada u kala d8hamaatay.

“Inagoo xaaladaan adag ku jirna hadii nalaga qaado halka xil aan Dowlada ku leenahay markaas ayaa noogu dambeysa Dowlada”ayuu yiri Taliyaha Macawisleyda Xawaadle

Taliyaha guud ee ciidanka Macawisleey [Dhago-Dawaco] wuxuu intaas ku daray in reerkiisu halkaas xil fiirsadaam hadii laga qaadana ah dowlada shaqo isku lahayn.

“Madaxweyne halka xil hadaad qaadato qofkaad u dhiibato isagaa kuu Dowlo ah inagu halkaas isugu keen dambeysa ogoow”ayuu mar kale yiri Taliye Dhaga-Dawaco

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

XOGTA: Farqiga u dhexeeya Macawisleyda reer Hiiraan iyo kuwa shabeelaha dhexe

Shabakada Wararka Dayniile.com ayaa baaritaan ku sameysay sababta keentay in macawisleyda reer bariga Hiiraan ay guulaha badan uga soo hooyaan markay Alshabaab is wajahaan iyo sidoo kale sababta guul-darooyinka baday macawisleyda reer Shabeelaha dhexe.

Ugu horeyn dagaal-yahanada loo yaqaan Macawisley waxay u abaabukan yihiin hab beeleeed halka ciidamada Xooga Somalia ay yihiin ciidan qaran waana farqiga kale ee u dhexeeya ciidamada isku safka ah ee Alshabaab dagaalka kula jira.

Markaan u soo laabano dulucda qormadeena aan ku horeyno Macawisleyda bariga Hiiraan  dhamaantood waa Beesha Xawaadle oo ka mida Beelaha koofurta Soomaaliya dagta gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Macawileyda Beesha Xawaadle ugu horeyn beel ahaan waa dad ku suntan inay shar iyo kheyrba heshiis ku yihiin oo marna iskuma khilaafaan dagaalada nuucey doonaan, mid beeleed ama midka alshabaab.

Qabiilka Xawaadle wuxuu sidoo kale ka mid yahay beelaha hawiye kuwa ugu dagaalka badan ama ugu geesisan sidoo kale tirada dadka sidaas oo kale waxay ka mid yihiin beelaha hawiye ugu badan.

Markaan usoo daadagno istaraatiijiyada guulaha ay ku gaaraan oo ah tan ugu muhiimsan macawisleyda Beesha Xawaadle inta badan Alshabaabka iyagaa weerar ah mana sugaan inta Alshabaab-ku deegaanadooda ugu yimaadaan,waxaan dhihi karnaa waa taatiko ku saleysan meeshaad joogto xaqiiji wixii kaa maqana baadi-goob.

DHANKA KALE:- MACAWISLEYDA GOBOLKA SH.DHEXE.

Markaan eegno Macawisleyda Gobolka Shabeelaha dhexe iyagana dhamaantood waa beesha Abgaal oo Madaxweynuhu ka soo jeedo marka laga reebo Beesha Waceysle oo ah jufada hoose ee Madaxweynaha kuwaasoo dega Gobolka Galgaduud.

Xawaadle intaan ka soo sheegnay Abgaal waxay isaga mid yihiin inay yihiin dad ku suntan geesinimada dhanka dagaalada,sidoo kale waxay isaga mid yihiin tirada Population-ka oo waxay ka wada mid yihiin hawiyaha kuwa ugu badan inkastoo Abgaalku laba jibaar ka sii badan yihiin xawaadlaha.

Halka labada beel isku dhaafeen islamarkaana ah sababta guusha iyo guul-darada ugu wacan ayaa ah Abgaalku wuxuu ka dhintay labada talaabo oo istaraatiijiga u ah dagaal kasta waana midnimada iyo caddowga inaad weerarto intuusan ku soo weerarin.

Midnimada iyo istaraaiijiyada  caddowga inaad weerarto oo ku mashquuliso deegaanada uu kaa heysto intuu kuugu iman lahaa inta aad heysato waa labada arin ee Abgaalku mushkilada ka heysato waxaana aad ugu dhaw beelo kale oo hada mowduuca aan noogu jirin balse waqtigeeda aan ka hadli doono.

Inta badan dadku waxay ku dhaliilaan Abgaalka inay awoodii Dowladnimada heystaan sidoo kale yihiin qabiiil dagaal yahano ah yihiin islamarkaana alle tiro iyo tayo siiyay hadana dhulalkoodii  uga soo carareen caddowga laakiin dadku ma si hoose uma fiirin waxa ku kalifay oo ah qodobada aan qor,madeena idinku cadeynay haday saxaana shabeelaha dhexe iska daaye koofurta Somalia oo dhan ayay xoreyn karaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

Dowlada oo soo agaasintay munaasibad hadiyado lagu siinayo qaar kamida agoonta shuhadada ciidanka xoogga.+SAWIRRO

Hoggaanka isku xirka shacabka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ee CIMIC oo ay horkacayso madaxa Hoggaanka G/sare iiman Maxamuud Cali ayaa soo agaasimay munaasibad hadiyado lagu siinayo qaar kamida agoonta shuhadada ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed , si ay dhiiri gelin iyo garab istaag ugu noqoto hooyooyinka korinaya agoontaas .
Munaasabadan oo lagu qabtay safaarada walaalaha turkiga ayaa waxaa ka soo qayb galay Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Madeey Sheekh Nuur Ufuroow, Safiirka Safaarada , iyo masuuliyiin kale , iyagoo bogaadiyay sida Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed masuuliyada balaaran isaga saaray ka warqabka iyo xanaanaynta agoonta ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed iyagoo sidoo kale tilmaamay ineey arintani dhiireglinayso geesiyaasha weli nool ee dagaal ka kula jira arxan laawayaasha khawaarijta.
Hoggaanka isku xirka shacabka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ee CIMIC ayaa dhowr jeer ku guulaystay qabashada munaasibado lagu garab istaagayo agoonta ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale hoggaanku wado qorshaha diwaan gelinta agoonta ciidanka xoogga dalka soomaaliyed iyo in loo sameeyo ,xarumo waxbarasho iyo caafimaad.May be an image of 2 people, headscarf and text that says "C"May be an image of 5 peopleMay be an image of 5 people, child, dais and textMay be an image of 8 peopleMay be an image of 5 people and childMay be an image of 7 people, dais and textNo photo description available.

Alshabaab oo laba ruux ka soo afduubtay Mandera-Kenya

MADERA (DAYNIILE.COM)-Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay maanta laba ruux ka soo qafaasheen inta u dhexeysa Ceel-waaq iyo War-gaduud oo ka tirsan ismaamulka Mandera ee dhulka Soomaalida balse  gumeystuhu xoog ku siiyay Kenya.

labada ruux ee alshabaabku qafaasheen ayaa la sheegay inay kala yihiin farsamayaqaan shirkad iyo darwal kuwaasoo watay gaari qaas ah.

Wararku waxay intaasi ku darayaan inay dib ka soo daayeen darawalka balse ay wali heysraan ninkii farsamayaqaanka ahaa.

Alshabaab ayaa aalaaba waxay dagaalo iyo afduuba ka geystaan dhulka Soomaalida ee waqooyi bari Kenya balse Kenyaanku maamulaan.

Kooxda Alshabaab waxaa la sheegayaa inay dhanka Somalia la soo aadeen ninka ay soo qafaasheen waxayna badanaa dadka ajaanibta ah ka qaataan lacag madax furasho ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dhul gariir xooggan oo ka dhacay Magaalada Istanbul

ISTANBUL (DAYNIILE.COM)-Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu dhan yahay 6.2 ayaa gilgilay Istanbul saacadu markay ahayd 12:49 (09:49 GMT).

Hay’adda musiibooyinka Turkiga ee AFAD ayaa sheegtay in ay ahayd mid ka mid ah dhulgariirradii ugu xoogganaa ee ku dhuftay magaalada, oo ay ku nool yihiin 16 milyan, sannadihii u dambeeyay.|

Xudunta dhulgariirka ayaa ku taalla deegaanka Silivri, oo qiyaastii 80km (50 mayl) dhanka galbeed kaga beegan magaalada Istanbul,

Ilaa hadda ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay, balse dad badan oo degganaa ayaa ka guuray dhismayaal markii ay gariireen wixii ka dambeeyay dhulgariirka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMDaily Sabah | Latest & Breaking News from Turkey | Istanbul

- Advertisement -

news

Murf AI

0
Murf AI: The Ultimate Platform for High-Quality Voiceovers in Multimedia Content In present day day virtual international, content introduction is extra important than ever. Whether...

book store near me

HOT NEWS