Home Blog Page 20

DEG DEG: Howlgal saaka ay isla fuliyeen Danab iyo Jubaland oo Alshabaab badan lagu laayay+SAWIRRO

No description available.
KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanada Jubaland ayaa sheegaya in howlgal ay saaka aroortii iska kaashadeen kumandooska Danab ee Xooga Dalka iyo daraawiishta Jubaland lagu laayay maleeshiyaad badan oo Alshabaab ka mida.
Sida sawirada aad ku arki kartaan meydadla qaarkood ayaa si xun rasaasstu uga dhacday waxaana ka mid ah dagaalame madaxi oo dhan uu kala dhanbalmay
Howlgalkaan alshabaabka lagu laayay ayaa ka dhacay saaka  deegaan u dhow degmada Xagar ee gobolka Jubada hoose.
Howlgalkaani ayay saraakiisha Jubaland iyo kuwa Dowlada waxay ku shaaciyeen inuu ahaa mid qorsheysan isamarkaana laga war hayay dhaq dhaaaqaada kooxdaan oo dooneysay inay weeraro soo abaabulaan balse iyaga ayaaba bartooda loogu tagay.
Si kastaba Jubaland waxay sheegtay in howlgalkaa lagu dilay in ka bada 23 alshabaab ahaa inkastoo warar madax banaan aan wai
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILENo description available.No description available.

SAWIRRO: Meydadka Alshabaab lagu laayay duleedka Baydhaba +SAWIRRO

No description available.War lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ay jab xooggan Khawaarijta ku gaarsiiyey howlgal qorsheysan oo saakay ay ka fuliyeen aagga deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaas ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay dileen in ka badan 10 Khawaarij ah oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira, isla markaana ay sii haacsanayaan firxadka Khawaarijta.

Meydadka Khawaarijta lagu laayey aagga deegaanka Daynuunaay ayaa loo soo bandhigay warbaahinta, waxaana ka daawa kartaan baraheena Telegram-ka, sidoo kale jira khasaare intaas ka badan oo gaaray cadowga Khawaarijta ah, saraakiisha ayaa noo sheegay in meydad iyo dhaawacyo kale ay horay u qaateen.
No description available.No description available.No description available.No description available.

Dowlada oo war ka soo saartay Duqeyn lala beegsaday Aadan Yabaal

War-Saxaafadeed
Ciidamada Qalabka Sida iyo Saaxiibada AFRICOM oo Duqeyn Ka Fuliyay Aadan Yabaal lagu Laayay Khawaarijta
Muqdisho, 17 Abriil 2025: Xalay fiidkii, waxaa degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe laga fuliyay howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), si loo ciribtiro khatarta kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Duqeyntan oo lagu beegsaday goob ay Khawaarijtu isku uruursanayeen si ay uga dhigtaan gabbaad, ayaa xogta hordhaca ah muujinaysa in lagu dilay 12 xubnood oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah. Waxaa xusid mudan in uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada isdaba joogga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado, iyadoo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamiga ah sida Mareykanka, si loo labo jibaaro gulufka ka dhanka ah cadowga Khawaarijta ee isku dayaya in ay carqaladeeyaan deegaanada laga xoreeyay.

Ciidamada Qaranka iyo howlgalka AFRICOM waxa ay wali wadaan qiimeynta khasaaraha gaaray cadowga. wixii faahfaahin dheeraad ah oo kasoo kordha howlgalada oo si xowli ah ku socda, waa idiin soo gudbin doonaa mar walba.
-DHAMMAAD-May be an image of text

Israa’iil oo shaacisay inay Gaza sii joogayaan xitaa hadii dagaalka uu dhamaado

QAZA (DAYNIILE.COM)-Milatariga Israa’iil ayaa sii jogi doona marinka Gaza sida uu sheegay  Wasiirkooda difaaca xitaa hadii dagaalku dhamaado.

Wasiirka wuxuu ku hanjabay inay aagag cusub sii qabsan doonaan oo dhulka reer falastiin,wuxuu si toos ah u tilmaamayaa inay awood isticmaalayaan islamarkaana ay israa’iil ka difaaci doonaan  gudaha dhula Gaza ee reer Falastiin.

Sidoo kale wuxuu ku faanayaa inay shacaba gaza ka celin doonaan gar-aarka oo si kastaba u cadaadin doonaan si Xamaas ay ugu qasbaan inay sii daayaan askarta Yuhuuda ay ka hayaan.

Xanibaadaan wuxuu wasiirku sheegay inay socon doonto lix asbuuc markaasoo ay Gaza ka hor istaagi doonaan in wax gar gaar ah la soo gaarsiiyo.

Qaramada Midoobay oo marka Yuhuuda iyo Mareykanka la eego afka uun inay ka hadlaan moojiye aan talaab kale qaadi karin  ayaa shaqadoodii ku soo koobmatay digniin oo kaliya.

Dhanka kale Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa laga soo xigtay  in tan iyo markii Yuhuudu bur buriyeen xabad joojinta 18-kii Maarso ee sanadkaan ay Yuhuudu dishay in ka badan 1,650 shacab ah oo u badan caruur iyo dumar.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Maxkamada Gobolka Banaadir oo baadi-goobeysa eedeysane loo heysto maalgelinta Alshabaab iyo danbiyo kale

Warqad ka soo baxday Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa lagu baafinayaa ama looga yeerayaa maxkamada inuu horyimaado eedeysane lagu magacaabo C/shukuur Ciise Xasan Abtidoon.

Eedeysanahaan ayaa loo heystaa  sedex danbi oo kala ah inuu ka mid yahay koox hubeysan , inuu maal geliyay Alshabaab iyo eeda sadexaad oo ah  dhaqida lacagta madow oo koonarabaan ah.

haddaba halkaan ka akhriso warqada ka soo baxday maxkamada oo ku taariikheysan 15-4-2025:-
May be an image of textMay be an image of text that says "Sidaas darteed. waxaa lagu farayaa in aad dhowrtid wakhtiga Maxkamaddu ay kuu qabatay, haddii Maxkamadda ku hor imaan waysid muddada sare ku xusan. Maxkamaddu waxay qaadi doontaa habraaca ku xusan Qod. 128/B Xeer lambar. 84, 00 ah in ay qaadi doonto dacwadaada adiga 00 maqane ah. GOBOLKA Saalax MATSAMADDACTYBANAADR CIQAABT MAXSAMADDA GUDDOOMIYAHA"

Wasiir Fiqi oo jawaab culus ka bixiyay hadalkii Faysal Cali Waraabe

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arimaha dibada Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa jawab culus ka bixiyay hadalkii maanta uu baraha bulshada ku soo qorey Faysal Cali Waraabe oo ka mida siyaasiyiinta reer Somaliland.

Faysal ayaa maanta si toos ah u taageeray kooxda Alshabaab sidii horaba loogu yaqaanay isagoona bogaadiyay guulaha alshabaab ay mararka qaar dagaalada ka gaarayaan.
Axmed Macalin Fiqi wuxuiu soo jeediyay in Faysal Cali Waraabe la geliyaa liiska argagaxisada islamarjaana la soo taago maxkamad.
“Waa garaad xumi hadalka uu ku hadaaqay, horay ayuu caruurtiisii ugu biiriyey ISIS Daacish” ayuu yiri Wasiir Fiqi
Sidoo kale wuxuu sheegay wasiirka in Faysal laftigiisu uu si toos ah ugu biiray kooxda Alshabaab.
“hore caruurtiisa ayuu daacish ugu daray haddana asagii ayaa Kooxda argagixisada Alshabaab ku mid noqday sidii ay ugu biireen  kuwa isaga  ka soo horeeyey”ayuu mar kale yiri Wasiir Fiqi
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan laba kala daran kala dooran-siiyay  

Agaasinmihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ayaa baraha bulshada soo geliyay qoraal uu cinwaan uga dhigay laba kala daran mid dooro.

Fahad Yaasiin qoraalkiisu toos ugu socdo Madaxweyne Xassan ayaa sidan u qornaa:-

 

May be an image of ‎2 people and ‎text that says "‎Fahad Yasin یاسين فهد @FahadBinYasin 26m LABA KALA DARAN MID DOORO Madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu kala doortaa laba kala daran; inuu noqdo Madaxweynihii ugu dambeeyay ee Jamhuuriyada 3aad iyo noqdo Madaxweynihii ugu horreeyey ee tartanka ka hara, ATA aanan usoo gudbin wareega labaad ee doorashada. Tan hore, waa taariikh xun iyo dalkoo kala tagay. Waa magac xumo iyo maamus la'aan. Tan dambe, waa dalka oo dowlad leh, oo doorasho ka qabsoontay. Waa maamuus miisaaniyad leh iyo Mudane abadi ah. Mudane Madaxweyne. fadlan dantaada iyo danta dalka waxaad u doortaa wixii adiga iyo dalkaba roon.‎"‎‎

 

Arsenal iyo Inter oo u soo baxay seme-fiinaalaha Champions League

Kooxda Arsenal ayaa caawa mar labaad ka adkaatay kooxda real-madrid oo lugtii horana ay ka  badiyeen.

Kooxda Arsenal waxay Real-madrid ku martay 1-2 waliba dhamaadka ciyaarta daqiiqadaha lagu daray ayay arsenal heshay goolka labaad.

Dad badan oo saadaaliya ciyaaraha iyo taageerayaasha real-madrid ayaa aaminsanaa inay kooxdu sameyn karto caawa mucjiso ay Arsenal kaga badiso uguna soo baxdo seme-fiinalaha.

Sidoo kale Inter Milan ayaa iyadana bareejo 2-2 ah la gashay kooxda Byermunich sidaas ayayna ku soo baxeen seme-fiinalaha madaama ay lugtii hore guriga bayer-munich 1-2 uga soo badiyeen.

Si kastaba waxaa seme-fiinalaha kooxihu isugu aadeen sidan:-

Arsenal vs PSG

Barcelona vs Inter

XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM

 

Mohamed Salah oo Liverpool 10 kulan uga maqnaanaya hal sabab awgeed

XIGASHO LAACIB.NET

Kooxda Liverpool ayaa wajihi karta maqnaansho dheer oo uu Mohamed Salah kaga maqnaanayo safkooda xilli ciyaareedka soo socda, sababo la xiriira waajibaadka xulka qaranka Masar ee tartanka Koobka Qaramada Afrika.

Salah, oo toddobaadkii hore qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda ku sii joogi doono ilaa 2027, ayaa wali ah mid muhiim u ah qorshaha tababare Arne Slot. Weeraryahanka reer Masar ayaa xilli ciyaareedkan ku jira qaab ciyaareed cajiib ah, isagoo dhaliyay 32 gool islamarkaana caawiyay 23 gool kale, 46 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, guulahaas lama hakin doono maqnaanshaha ciyaaryahanka marka la gaaro bilaha Janaayo iyo Febraayo ee sanadka 2026, marka uu billowdo Koobka Qaramada Afrika. Haddii Masar ay gaarto final-ka tartankaas, Salah ayaa seegi kara ugu yaraan 10 kulan oo muhiim ah oo Liverpool ah – tiradaas oo aad uga badan 5-tii kulan ee uu seegay xilli ciyaareedkii hore tartankii isla Koobka Afrika.

Maqnaanshaha Salah waxa uu dhaawac weyn ku noqon karaa rajada Liverpool ee hanashada horyaalka Premier League iyo guulo kale oo tartamada kale ah, maadaama uu yahay tiir-dhexaad weerarka kooxda. Waqtigaas ayaa sidoo kale noqon kara tijaabo adag oo ku saabsan qoto-dheeraanta kooxda iyo beddelka uu Slot heli karo.

Mohamed Salah Oo Liverpool 10 Kulan Uga Maqnaanaya Hal Sabab Aawgeed

DAAWO: Alshabaab oo markii ay qabsadeen Aadan Yabaal ku dhaqaaqeen fal cajiiba

AADAN-YABAAL (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa maanta markii ay qabsadeen Magaalada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe waxay ku dhaqaaqeen inay calanka Somalia dejiyaan islamarkaana kooda saaraan iyo fal kale oo la yaab lahaa.

Kooxdaa ayaa muuqaalka waxaa lagu arkay iyagoo jeex jeexaya sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh oo surnaa aargada Degmada Aadan Yabaal,dagaal-yahanka sawirka jeex-jexaya wuxuu muuqaalka ku eedeynayaa Dowlada inay Magaalada dhac iyo boob ka wadeen,sidoo kalana ay diidan yihiin in sunada rasuulka NNKH sida uu sheegayo.

Dagaal saacado socday oo la isku riiqmay ayaa saaka dhexmaray ciidamada Dowlada iyo kuwa Alshabaab kaasoo ugu dambeyn keenay i9n alshabaab qabsadaan Magaaaldaasi oo laba sano ka hor laga saaray.

Saraakiisha Milateriga gaar ahaan taliyaha ciidamada xooga dalka oo dagaalka ku jirey wali kama hadlin sababta guul darada keentay iyadoo ciidamo badan ay magaalada ku sugnaayeen.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

- Advertisement -

news

Etsy – Shop for handmade, vintage, custom, and unique gifts

0
Etsy is more than an online market it is a pulsating world center in which creativity thrives and combines buyers with independent suppliers that...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS