Home Blog Page 2

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Wasiirka arimaha gudaha ee Dalka Ciraaq

Muqdisho, Khamiis, Abriil 24, 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Ciraaq Mudane Cabdul Amiir Al-Shammari, oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo si gaar ah looga hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada iyo isdhaafsiga khibradaha.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wasiirka iyo wafdigiisa, isagoo ku bogaadiyey booqashada uu ku yimid dalka, waxa uuna xusay in booqashadani ay tahay tallaabo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dal.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq Mudane Cabdul Amiir Al-Shammari, ayaa muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, waxa uuna ballan qaaday in la dar-dar gelinayo iskaashiga labada dal, si gaar ah dhinacyada amniga, socdaalka, waxbarashada iyo tababarrada laamaha ammaanka.May be an image of 2 people, dais and the Oval OfficeMay be an image of 4 people, the Oval Office and daisMay be an image of 8 people, suit and dais

Weriye khatar u galay in Lamine Yamal dartii xabsiga loo dhigo

XIGASHO LAACIB.NET

Wariye u dhashay Catalonia ayaa qirtay inuu ka baqay “in xabsi la dhigo” kaddib markii uu ku sigtay inuu jiiro laacibka da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal.

Jose Antonio Ponseti, oo ka tirsan warbaahinta Cadena SER, ayaa mashquul ku ahaa howlaha shaqo xilli la xusayay Maalinta Sant Jordi ee la dabaaldego 23-ka Abriil. Isaga oo ku jiray hawlo shaqo ayuu bilaabay inuu si degdeg ah u socdaalo.

Mar uu meel marayay, ayuu si dirqi ah uga badbaaday inuu gaarigiisa ku dhufto Yamal oo 17 jir ah. Nasiib wanaag, masiibo ayaa laga hortagay. Barcelona ayaa si gaar ah uga taxadarta badbaadada xiddigii ugu dambeeyay ee kasoo baxay akadeemiyadooda caanka ah ee La Masia.

Ponseti ayaa u sheegay El Larguero: “Waxaan hayaa sheeko qosol badan oo igu dhacday xilli aan buuth-yo ka boodboodayay intii lagu jiray Maalinta Sant Jordi. Galabtii ayaan si dirqi ah ku jiiri gaadhay Lamine Yamal! Waxaan ku dhici gaaray anigoo degdegaya, waxaan ku iri, ‘Ninyahow, maxaad halkan ka qabanaysaa?’ Wuxuu la socday kooxdiisa Ilaalada.”

Weriye Khatar U Galay In Lamine Yamal Dartii Xabsiga Loo Dhigo

Karim Benzema oo la saaray ganaax adag – sababta waa mid Layaab Leh!

XIGASHO LAACIB.NET

Guddiga Anshaxa ayaa ganaax lacageed ku riday kabtanka kooxda Al-Ittihad, Karim Benzema, kadib markii uu ka baaqday ka qeybgalka “Wareysiga” ciyaarta kadib, taasoo ay kooxdiisu guuldarro 2-0 ah kala kulantay Al-Fateh.

Kooxda Al-Ittihad ayaa si xun ugu guuldareysatay iney joojiso Al-Fateh, taasoo keentay caro badan oo kasoo yeertay taageerayaasha iyo warbaahinta ee ku wajahan kooxda iyo xiddigaheeda.

Guddigu wuxuu sidoo kale ganaax lacageed oo gaaraya 10,000 Riyal ku riday kooxda Al-Akhidood, sababtoo ah ciyaartoydooda ayaa daah ku yimid garoonka ciyaartii ay la yeesheen Al-Shabab, taasoo keentay dib u dhac ku yimid bilowga qeybta labaad ee ciyaarta.

Guddiga Anshaxa ayaa xaqiijiyay in go’aannada la gaaray aysan ahayn kuwo racfaan laga qaadan karo, iyada oo la raacayo Qodobka 144 ee xeerarka la ansixiyay.

Go’aannadan cusub ayaa muujinaya sida ay guddigu uga go’an tahay hirgelinta anshaxa ciyaartoyda iyo kooxaha, iyada oo aan la eegin cidda, si loo hubiyo in tartamada ay u dhacaan si xirfadaysan.

Karim Benzema Oo La Saaray Ganaax Adag – Sababta Waa Mid Layaab Leh!

Bernardo Silva oo si niyad-jab leh uga hadlay bixitaanka De Bruyne ee Man City

XIGASHO LAACIB.NET
Xiddiga khadka dhexe ee Manchester City, Bernardo Silva, ayaa si dareen leh uga hadlay bixitaanka saaxiibkiis Kevin De Bruyne, kaasoo lagu wado inuu ka tago kooxda marka la gaaro dhammaadka xilli ciyaareedka 2024/25.

Isagoo hadlaya, Silva wuxuu yiri:

“Qayb ka mid ah nafta kooxda ayaa baxaysa. Waa wax murugo leh. Wey nagu adag tahay annaga; waxaan rabnay inuu sii joogo.”

De Bruyne, oo 33 jir ah, ayaa ka mid ahaa tiirarka kooxda tan iyo markii uu kaga soo biiray Wolfsburg sanadkii 2015. Intii uu joogay Etihad, wuxuu u saftay 417 kulan, isagoo dhaliyay 107 gool, kana caawiyay 177 gool kale.

Wuxuu door weyn ka qaatay guulihii waaweynaa ee Manchester City ay gaartay, oo ay ka mid yihiin lix horyaal oo Premier League ah, laba FA Cup, shan League Cup, iyo hal Champions League.

Silva wuxuu intaas ku daray:

“Anigoo cidna aan xumaan uga jeedin, haddana aniga ahaan, waa ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda Manchester City. Waxa kaliya aan dhihi karno waa: waad mahadsan tahay, waxaana kuu rajeynaynaa wanaag. Waan ka murugoonay inuu baxayo. Ma aanan rabin inuu tago.”

Bixitaanka De Bruyne ayaa yimid kadib markii kooxda aysan u soo bandhigin heshiis cusub, taasoo la sheegay inay la yaab ku noqotay laacibka reer Belgium.

Inkasta oo uu xilli ciyaareedkan la kulmay dhaawacyo, oo uu kaliya 24 kulan ka soo muuqday horyaalka, haddana wuxuu ku guuleystay inuu dhaliyo 3 gool islamarkaana caawiyo 7 kale, taasoo muujinaysa inuu weli yahay mid tayo leh.

Iyadoo De Bruyne uu isu diyaarinayo cutubka xiga ee xirfadiisa—oo ay suuragal tahay inuu u wareego Major League Soccer (MLS) ama koox kale oo Yurub ah—haddana dhaxalkiisa Manchester City wuu sii jiri doonaa.

Aragtidiisa, hoggaamintiisa, iyo xirfaddiisa farsamo ayaa si weyn u saamaysay taariikhda kooxda. Dunida kubadda cagta ayaa si dhow ula socon doonta halka uu ku sii jeedo xiddigan cajiibka ah, isagoo ka tegaya cutub taariikhi ah oo dhameystiran oo uu ku lahaa garoonka Etihad.

Bernardo Silva Oo Si Niyad-jab Leh Uga Hadlay Bixitaanka De Bruyne Ee Man City

Real Madrid oo shaacisay cidda noqoneysa beddelka Vinicius Jr

XIGASHO LAACIB.NET

Waxaa la soo warinayaa in Real Madrid ay qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, haddii Vinícius Júnior uu go’aansado inuu ka tago kooxda. Madaxweynaha kooxda, Florentino Pérez, ayaa diyaar u ah inuu dhaqaajiyo qodobka lagu burburin karo heshiiska Haaland, kaasoo ah €200 milyan sanadkan 2025, islamarkaana hoos ugu dhaco €175 milyan sanadka 2026.

Mustaqbalka Vinícius Júnior ee Real Madrid ayaa noqday mid mugdi ku jiro. Inkasta oo uu heshiis kula jiro kooxda ilaa 2027, haddana laacibka reer Brazil ayaa la sheegay inuu diiday dalab kordhin heshiis ah, iyadoo xiiso ay u muujinayaan kooxo ay ka mid yihiin Manchester United, Paris Saint-Germain, iyo kooxo ka tirsan horyaalka Sucuudiga.

Haaland, oo 24 jir ah, ayaa wax qabad layaab leh ka sameeyay Manchester City, isagoo dhaliyay 104 gool 112 kulan oo uu ciyaaray. Qandaraaskiisa wuxuu leeyahay qodob ogolaanaya inuu ku biiro kooxo aan ka tirsanayn Premier League, taasoo Real Madrid ka dhigeysa meel macquul ah oo uu tagi karo.

Haddii Vinícius uu ka tago kooxda, Real Madrid waxay si buuxda diiradda u saari doontaa inay keento Haaland si uu uga garab ciyaaro Kylian Mbappé, kaasoo la filayo inuu xagaagan yimaado Madrid.

Iyada oo suuqa kala iibsiga xagaagu soo dhow yahay, qorshayaasha Real Madrid waxay si weyn ugu xirnaan doonaan mustaqbalka Vinícius Júnior iyo Rodrygo. Haddii midkood tago, Haaland ayaa noqon doona bartilmaameedka koowaad.Real Madrid Oo Shaacisay Cidda Noqoneysa Beddelka Vinicius Jr

Shirka Dalalka Ciidamada (AUSSOM) oo ka socda magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Sida goor dhaw lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Waxaa Dalka Uganda ka socda shir ay leeyihiin Dalalka ka midka ah  Howlgalka Somalia ee (AUSSOM) kaasoo dhawaan lagu badalayo kii ATMIS marka maalgelin loo helo.
Shirkaan oo ay Soomaaliya ku matalayaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Fardowsa Maxamed Qanyare iyo saraakiil kale, ayaa looga hadlayay howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Shirkan oo shalay furmay, kaasoo ahaa heer farsamo, ayaa maanta u gudbay heer wasiir. Waxaana ka qayb galay wasiirro iyo saraakiil ka kala socday dalalka ciidamadooda howlgalkaan ku matalaya, kuwaas oo kala ah: Uganda, Kenya, Masar, Itoobiya, iyo Jabuuti. Sidoo kale waxaa shirka jooga Madaxda Midowga Afrika, Yurub iyo Qaramada Midoobey.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray taageerada iyo garab istaagga Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo sidii loo xoojin lahaa howlgalka AUSSOM.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in go’aanno muhiim ah laga soo saaro marka uu soo dhamaado.
May be an image of 3 peopleMay be an image of 10 people, dais and text that says "SOMALIA"May be an image of 8 people, crowd, dais and text that says "AFRICAN AFRICANUNION UNION muMIcCINN"May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 7 people, table and textMay be an image of 2 people

Madaxweynayaasha Masar iyo Jabuuti oo si gaar ah uga wada hadleen Maamulka iyo amniga Badda cas

DJABUTI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dalka Masar C/fataax Alsiisii oo shalay booqasho ugu tagay dhigiisa Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa arimo kala duwan kala hadlay kadib kulan ay ku wada yeeshen madaxtooyada Jabuuti.

Labada Masuul waxay ka wada hadleen amniga badda cas iyagoona ku heshiiyay in mas’uuliyada amniga  ay ka masuul yihiin dalalka xuduudka la leh biyahaas.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo marti loo ahaa ayaa saxaafada u sheegay in arimaha ay ka wada hadleen isaga iyo dhigiisa masar ay sidoo kale ku jirtay arimaha soomaaliya iyo mida Dalka Sudan.

“Waxaan isla soo qaadnay marinka Babel-Mandeb ee isku xira badda cas iyo gacanka cadmeed iyo Ganacsiga xorta ah ee ka jira marinka muhiimka ah ee Badda Cas”ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar geellee

Si kastaba kulanka Labada Masuul ayaa ku soo  aadaya xili colaad baahsan ay u dhexeyso dalalka Masar iyo Itoobiya oo daris la ah dalka Jabuuti.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Labada madaxweyne

Wasiir Fartaag oo bogaadiyay ciidamada Xooga Dalka

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa bogaadiyey sida geesinimada leh Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ay jilibka ugu dhigeen Khawaarijta, una laayeen aagga deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
“Waxaan ku bogaadinayaa Ciidankeenna geesiyaasha ah ee dalkooda iyo dadkooda naftooda u haraya, sida geesinimada leh ee ay ugu jilib dhigeen weerarkii fulaynida ahaa ee Khawaarijtu ay ku soo qaadday saakay deegaanka Wargaadhi, halkaas oo lagu gaarsiiyey jab-xooggan,” ayuu yiri Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil.
Mudane Fartaag, ayaa sheegay in kooxaha Khawaarijta ah ay mar walba u taaggan yihiin burburinta iyo daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed, cidda kaliya ee ka hortaaggana ay tahay geesiyaasha Qaranka ee dagaalka kula jira, waxa uuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in wadajir loogu istaago difaaca dalka, maaddaama Khawaarijtu aysan cafineyn qof walba oo wax gal ah.May be an image of 3 peopleMay be an image of 1 person and text

Isbitaalka Xooga oo loogu deeqay daawooyin iyo gaari Aambalaas

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, xubina ka ah Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Khawaarijta ayaa maanta Agaasimaha Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Saadaam Cabdullaahi Cismaan ku wareejiyay daawooyin iyo gaari Aambalaas ah oo loogu tala-galay in loogu adeeego ciidanka qaranka iyo geeshiyaasha u taagan dib u xoreynta dalka.

Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA, ayaa ammaanay doorka naf-hurnimo ee ciidamadu ku muujinayaan furimaha hore ee dagaalka iyo guulaha ay ka gaareen la-dagaallanka argagixisada, isagoo xusay in Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda ay ka go’an tahay xoojinta adeegyada iyo daryeelka ciidanka geesiyaasha ah ee ku jira howlgalka ciribtirka khawaarijta iyo nabadeynta waddanka.May be an image of 4 people, ambulance and text that says "AMBULANCE SODMA"May be an image of 4 people and textMay be an image of 4 people, ambulance and text that says "AMBULANCE SODMA"May be an image of 3 people and suitMay be an image of 4 people, newsroom and text

Midowga Yurub oo mamnuucay aalad caruurtu ku ciyaarto oo Ruushku soo saaro

Video game controllerBoqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday dhoofinta qalabka xakamaynta ciyaarta muuqaalka ee Ruushka sababo ay ku sheegeen inay suurtagal tahay in loo isticmaalo in lagu duuliyo diyaaradaha yar yar ee aan duuliyaha lahayn ee dagaalka.

Wasiirka cunaqabateynta Stephen Doughty UK wuxuu intaas ku daray in UK ay sidoo kale xannibayso dhoofinta kiimikooyinka, elektiroonigga, mashiinnada iyo biraha si loo xaddido awoodda wax soo saarka ee Ruushka.

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa qaatay xayiraad la mid ah tan oo qayb ka ah xirmaddii 16-aad ee cunaqabataynta Ruushka ee la soo saaray bishii Febraayo.

Joysticks iyo kontaroolayaasha waxaa mamnuucay kooxda iyada oo ay jiraan dadaallo lagu xakameynayo teknoolojiyadda la isticmaalo ee Moscow ay suurtagal tahay in ay u isticmaasho ujeeddooyin milatari.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMM

- Advertisement -

news

Murf AI

0
Murf AI: The Ultimate Platform for High-Quality Voiceovers in Multimedia Content In present day day virtual international, content introduction is extra important than ever. Whether...

book store near me

HOT NEWS