QAZA (DAYNIILE.COM)-Milatariga Israa’iil ayaa sii jogi doona marinka Gaza sida uu sheegay Wasiirkooda difaaca xitaa hadii dagaalku dhamaado.
Wasiirka wuxuu ku hanjabay inay aagag cusub sii qabsan doonaan oo dhulka reer falastiin,wuxuu si toos ah u tilmaamayaa inay awood isticmaalayaan islamarkaana ay israa’iil ka difaaci doonaan gudaha dhula Gaza ee reer Falastiin.
Sidoo kale wuxuu ku faanayaa inay shacaba gaza ka celin doonaan gar-aarka oo si kastaba u cadaadin doonaan si Xamaas ay ugu qasbaan inay sii daayaan askarta Yuhuuda ay ka hayaan.
Xanibaadaan wuxuu wasiirku sheegay inay socon doonto lix asbuuc markaasoo ay Gaza ka hor istaagi doonaan in wax gar gaar ah la soo gaarsiiyo.
Qaramada Midoobay oo marka Yuhuuda iyo Mareykanka la eego afka uun inay ka hadlaan moojiye aan talaab kale qaadi karin ayaa shaqadoodii ku soo koobmatay digniin oo kaliya.
Dhanka kale Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa laga soo xigtay in tan iyo markii Yuhuudu bur buriyeen xabad joojinta 18-kii Maarso ee sanadkaan ay Yuhuudu dishay in ka badan 1,650 shacab ah oo u badan caruur iyo dumar.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM