
Wasiirka Difaaca oo ka hadlay Alshabaabkii lagu laayay Daynuunaay

Dowlada Somalia oo ka qeybgashay shirka Wasiirada Carabta+SAWIRO



Taliska Booliiska oo maanta yeeshay shirkii amniga looga hadlayay+SAWIRRO





Madaxweynaha K/galbeed oo booqday furimaha dagaalka kadib guushii maanta +SAWIRRO
Ra’iisulwasaare Xamsa oo dhagax-dhiga mashruuc muhiim ah+SAWIRRO









SAWIRRO: Reer Baydhaba oo isugu soo baxay daawashada Meydadka Alshabaab lagu laayay Daynuunaay
Boqolaal Shacabka reer Baydhabo ayaa isugu soo baxay fagaaraha magaalada halkaasoo la soo dhigay meydadka Alshabaab saakay lagu laayay deegaanka Deynuunaay ee dhaca duleedka Baydhaba.
Goobtaani oo la sheego inay tahay halka Baydhaba laga ilaaliyo waxaa saaka howlgal ka fuliyay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed markaasoo ay dileen in ka badan 30 alshabaab ah kuwaasoo ah kuwa meydadkooda la daawanayo.
Shacabka oo oo aan wax cabsiya muujin ayaa isugu soo baxay inay daawadaan meydadka alshabaab.
DAYNIILE.COM



Gudiga joogtada ee Golaha shacabka maxay maanta ka hadleen?+SAWIRRO











Maamulka Hirshabelle oo ka shifay sababta Alshabaab culeyska usoo saareen deegaanadooda
JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Wasiir ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa ka shifay ujeedka Alshabaab culeyska u soo saareen deegaanada Hirshabelle oo kaliya.
Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Hirshabelle Cabdi Daahir Guure ayaa daboolka ka qaaday inuu jiro heshiis Alshabaab ay la soo gashay maamul Goboleedyada qaar si ay usoo dhexmaraan una soo weeraraan Hirshabelle.
“kooxda Alshabaab waxay kula heshiiyeen gobolada qaar inay culeyska ka soo qaadaan kaliyana ay u ogolaadaan inay dhanka soo dhexmaraan waana sababta keentay inay deegaanada Hirshabelle culeuska u soo saareen”ayuu yiri Wasiirka.
Wasirka wuxuu carabka ku adkeeyay si kasta ay tahay inay u diyaarsan yihiin inay iska difacaan kooxda Alshabaab weerar kasta ay ku soo qaadaan deegaanada Hirshabelle.
Masuulkaan ma uusan sheegin magac maamul kaliya si guud ayuu ka dhawaajiyay in maamulada qaar heshiis kula jiraan Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DEG DEG: Dooman Alshabaab hub u siday oo la burburiyay
War goor dhaw lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Somalia ayaa lagu sheegay in la bur burioyay hub alshabaab u socday.
Hubkaan ayay Dowladu sheegtay in lagu soo qaaday dooman kadibna ay u suuragashay in la burburiyo.
Doomanka inta ay yihiin, goobta lagu burburiyay cida talaabadaasi fulisay intaba Dowladu ma faahfaahin balse intaas ayay degdeg ku shaaciyeen.
Wixii faahfaahin ah wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DEG DEG: Howlgal saaka ay isla fuliyeen Danab iyo Jubaland oo Alshabaab badan lagu laayay+SAWIRRO

DAYNIILE

