XIGASHO LAACIB.NET
Real Madrid ayaa qorsheyneysa isbeddel weyn xilli ciyaareedka 2025 kadib markii la xaqiijiyay in illaa lix ciyaaryahan ay ka tagi doonaan kooxda, sida uu weriyay Radio MARCA.
Luka Modrić iyo Lucas Vázquez ayaa lagu wadaa in si sharaf leh loo macsalaameeyo. Modrić, oo 39 jir ah, ayaa la sheegayaa inuu xiiseynayo ku biirista kooxaha Qatar, halka Vázquez uu isna u muuqdo mid aan heshiis cusub heli doonin.
Sidoo kale difaacyada Ferland Mendy iyo David Alaba ayaa lagu daray liiska la filayo in la fasaxo, maadaama dhaawacyo isdaba-joog ah ay hoos u dhigeen waxqabadkooda.
Weeraryahanka Rodrygo Goes, oo xiiso ka helaya Premier League, ayaa noqon kara mid la iibiyo si loo furo boos cusub oo weerarka ah. Arda Güler isna waxaa laga yaabaa in la amaahiyo ama la iibiyo si uu waqti ciyaareed u helo.
Isbeddelkan ayaa qayb ka ah qorshaha Real Madrid ee lagu yareynayo da’da kooxda, laguna dhisayo jiil cusub. Waxaa la filayaa in xagaagan lagu arko saxiixyo cusub iyo wajiyaal cusub oo beddelaya kuwa la macsalaamayo.
Kooxdu waxay dooneysaa in ay sii ahaato mid tartan adag la gasha kooxaha waaweyn ee Yurub.