ISIOLO (DAYNIILE.COM)-Odayaasha Somaalida ee ismaamulka Isiolo ayaa Madaxweynaha Kenya William Ruto ka raali geliyay buuq shacabku ku sameeyeen dhawaan markii uu booqanayay deegaankaasi.
Odayaasha Soomaalida waxay cambaareeyeen falkaani oo dhacay Jimcihii doraad ahaa kadib markii Madaxweynaha oo shacabka u khudbeynaya lagu buuqay.
Dhalinyarad buuqa sameysay waxay Odayaashu ku eedeeyeen inay ahaayeen kooxo daroogiistayaal ah oo deegaano kale laga soo direy.
William Ruto ayaa si gaar ah waxaa ugu tagay odayaasha reer Isiolo kuwaasoo si buuxda uga raali geliyay dhacdadaasi iyagoo cadeeyay inay ahayd wax aan loo baahnayn,xili ay xuseen inaaney mar kale dhici doonin.
Sida uu baahiyay raadiyaha Star FM dhallinyarada maalinkaasi buuqa ku bartilmaameedsaday siyaasiyiinta ayaa qaar ka mid ah madaxda ka hor istaagay in ay dadweynaha la hadlaan iyadoo ay xaaladdu sidatan ahayd.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement