MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ayaa caawa yeeshay kulan degdeg ah kaasoo xasaasi ahaa.
Wasiirada ayaa kulankooda waxay si buuxda u ansixiyeen soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed kaasoo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage.
Ujeedka magacaabista Odawaa Yuusuf Raage ayaa lagu macneeyay si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo dagaalka lagu jiro kooxda Alshabaab.
Taliyahaan oo xilka aan ku cusbayn islamarkaana hayay xilka Dowladii hore ee Farmaajo ayuu Xasan Sheekh ku badalay isla taliyaha hada xilka laga qaaday iyadoo ugu danbeyn Odawaa Yuusuf uu ku soo laabtay xilkiisa.
Sarkaalkaan oo ah dhalinyaro ayaa aad loogu amaanaa shaqadaan,waxayna dad badan ka xumaadeen markii xilka laga qaadayay madaama uu aad ugu firfircoon yahay xilkaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM