Nuur Maxamuud Sheekh ayaa loo magacaabay Afhayeenka Guddoomiyaha Midowga Afrika ee dhawaan la doortay Maxamuud Cali Yuusuf.
Nuu wuxuu dhawaan ka fariistay shaqada Afhayeenka Xogahaya Fulinta ee IGAD, wuxuuna ku biiray kooxda warfaafinta ee Wasiirkii hore ee Jabuuti intii uu ku jiray ololaha.
Magaacabista Nuur ayaa ka dhigan in lagu abaalmariyay dadaalkii uu la galay Guddoomiyaha cusub, wuxuuna ku biirinayaa khibrad dheer oo dhanka warfaafinta iyo diblomaasiyadda ah.