War ka soo baxay sedexda Dalalka Norway, Ireland iyo Spain ayay ku shaaciyeen inay Falastiin u aqoonsadeen Dowlad buuxda oo dunida ka tirsan wixii hada ka danbeeya.
Saddexda waddan ee Yurub waxay si rasmi ah u dhaqangelin doonaan aqoonsiga Falastiin 28-ka bishaan May inkastoo Israa’iil ay ka digayso cawaaqibka.
Hogaamiyayaasha Norway, Ireland iyo Spain ayaa sheegay in wadamadoodu ay si rasmi ah u aqoonsan doonaan Falastiin inay tahay dawlad todobaadka soo socda aawadood.
Durbadiiba Yuhuuda ayaa markii ay maqleen warka ka soo baxay dalalkaan reer Yurub waxay durba u yeerteen ergadeeda.
Raiisel wasaaraha Norway Jonas Gahr Store ayaa Arbacada maanta ah sheegay in xal laba dawladood ah ay dani ugu jirto Israa’iil, isaga oo intaa ku daray in aqoonsiga uu imaan doono 28-ka May.
“Nabad kama jiri karto Bariga Dhexe haddii aan aqoonsi la helin” ayuu yiri Raiisel wasaaraha Norway Jonas Gahr Store
“Aqoonsiga Falastiin waa hab lagu taageerayo ciidamada qunyar socodka ah kuwaas oo ku luminayey dagaalkan daba dheeraaday ee naxariis darada ah,” ayuu mar kale yiri Ra’iisulwaaaraha Norwey oo intaasi ku sii daray
“Tani waxay ugu dambeyntii suurtogal ka dhigi kartaa in dib loo bilaabo geeddi-socodka lagu gaarayo xal laba dowladood ah oo la siiyo dardar cusub,”
Wax yar ka dib ku dhawaaqistii Norway, ra’iisul wasaaraha Ireland Simon Harris ayaa sheegay in dalkiisa uu sidoo kale aqoonsan doono dowlad Falastiini ah.
Raiisel wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa sheegay Arbacadii in golaha wasiiradu ay sidoo kale aqoonsan doonaan dowlad madax banaan oo Falastiiniyiin ah 28-ka May.
Isagoo ka hadlayay baarlamaanka Spain, Sanchez ayaa ku eedeeyay dhiggiisa Israa’iil Benjamin Netanyahu in uu khatar gelinayo xalka labada waddan ee siyaasaddiisa “xanuunka iyo burburinta” ee Gaza.
SOURCE ALJAZEERA.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM