BAYSDHABA (DAYNIILE.COM)-Sida warbaahinta Dowlada goor dhaw lagu shaaciyay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda qaranka ee NISA ayaa magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koofur-galbeed Alshabaab badan oo dhanka Dowlada isku soo dhiibeen.
Alshabaabka isa soo dhiibtay oo dhalinyaro da’yar u badan ayaa tiradoodu tahay 10 ruux kuwaasoo dhamaantood rag ah.
Kooxdaan ayaa sababaha ay uga soo tageen Alshabaab waxaa lagu sheegay kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada iyo duurgalka ay ku jiraan kooxdu.
Dhanka kale waxay talaabadaani ku soo aadeysaa xili maalmihii ugu dambeeyay diyaarado dagaal oo casiri ah lagu duqeynayay kooxda iyo goobaha ay ku sugan yihiiin gaar ahaan gobolada ay dagaalada hada ka wadaan sida Shabeelaha hoose,Shabeelaha dhexe,Jubada dhexe,Hiiraan iyo Gal-gaduud.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM



