Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa digniin u dirtay ganacsatada, dallaaliinta, iyo darawallada gaadiidka, kuwaas oo ay sheegtay in ay ku howlan yihiin bixinta Zakawaadka ay qaadaan Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda NISA oo lagu baahiyey barta Twitterka ee hadda loo garan og yahay X ayaa lagu yiri, “Iyada oo la tixraacayo amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ee 4-tii Diseembar 2024, kuna saabsan joojinta maalgelinta argagixisada, waxa ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, digniin adag u direysaa ganacsatada, dallaalliinta, iyo darawallada gaadiidka ee isku daya in ay u dhego-nuglaadaan baadda Khawaarijta.”

Advertisement

Sidoo kale Hay’adda NISA ayaa sheegtay in ay si dhow ula socota dhaqdhaqaaq kasta oo ku saabsan la macaamilka Al-Shabaab, waxaana cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta waxa loogu yeero argagixisada laga qaadi doonaa tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka. Sida lagu yiri warka ka soo baxay NISA.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu soo gabagabeeyey, “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo badqabka muwaadinka Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagu boorinayaa muwaadiniinta in ay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga.”

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay xirtay Akoono ay leedahay kooxda Al-Shabaab, sidoo kale gacanta ku soo dhigtay ganacsato lagu eedeeyey la shaqeyn Al-Shabaab.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here