NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Kenya ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan nin dhawaan wiil Soomaali ah ku dilay xaafada Islii Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya sida ay sheegtay idaacada Star FM ee codka waqooyi bari-Kenya.

Dilkaan oo dhacay 9-kii bishaan ayaa kaamirada qarsoon laga daawaday dilaaga oo wiilka soomaaliga ah bistoolad ku dhufanaya xili uu gabar la taagnaa taasoo iyaduna soomaali ahayd loona xirey arintaan darteed madaama aysan sheegin oo ay gurigeeda iska gashay.

Advertisement

Ninkaan waxaa si gaar ah daba-gal ugu hayay, ugu dambeyna amarkooda lagu soo qabtay saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ee Dalka Kenya.

Gacan ku dhiiglaha oo magaciisa lagu sheegay Paul Odhiambo Owuodho, sidoo kalana loo yaqaanay Fazul Maxamad ayaa laga soo qabtay xaafada isku raranka ee Kiambiu ee ka tirsan Islii.

Ninkaan oo da’iida lagu sheegay 27 sano jir ayaa ku eedeysan inuu dilay Allaha u naxariistee wiil Soomaali ahaa oo lagu magacaabi jirey Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ibraahim oo 25 sano jir ahaa.

Sidoo kale isla eedeysanahaan waxaa loo heystaa dilka sarkaal ka tirsanaa waaxda DCI-da oo ka howlgalay saldhig booliis oo ku yaal ismaamulka Nairobi.

Si kastaa eedeysanaha oo hada gacanta Dowlada Kenya ku jira ayaa lagu wadaa in dhawaan maxkamad la soo taago si loogu qaado danbiyada uu geystay.

XAFIIKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here