Nin u dhashay dalka Yemen oo lagu magacaabo Mudahir Xaamud Al-subaydi ayaa faahfaahin la yaab leh ka bixiyay sida ay u shaqeeyaan xubnaha kooxda Daacish ee ka howl-gala deegaanada Puntland.

Ninkan ayaa sheegay in uu magaalada Hargeysa shaqo u yimid, balse intii uu halkaas joogay xubno ka tirsan Daacish ay la soo xariireen, ka dibna ay ku qanciyeen inuu ku biiro kooxda.

Advertisement

Mudahir wuxuu sheegay in intii uu Hargeysa joogay xubno kooxda ka tirsani ay baraha bulshada kala soo hadli jireen, islamarkaana ay u soo diri jireen muxaadarooyin, ugu dambeyn markii uu fakirkooda ku qancayna ay ku yiraahdeen Gaari soo raac oo imow Boosaaso.

Wuxuu intaa ku daray in markii uu Boosaaso yimid uu keliya arkay nin lagu magacaabo Cismaan, kaas oo aan si feecan waxba ugu faahfaahin, xubna kaloo Daacish ahna aan tusin ee u dhiibay Cadar uu maalintii magaalada ku wareejiyo, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu qariyo hadafka rasmiga ee uu u joogo Boosaaso.

Wuxuu sheegay in ninkaas lagu magacaabo Cismaan uu bannaanka u diri jiray markii uu telefoon ku hadlayo, haddii uu sharraxaad dheeraad ah kooxda ama shakhsiyaddiisa ku saabsan weydiiyona uu ku xanaaqi jirey.

Mudahir oo wareysi siinayay warbaahinta Puntland ayaa sheegay in markii uu 3 bilood ka yar Boosaaso joogay in ninkii uu la joogay ee ahaa Cismaan uu habeen u sheegay inay qarax magaalada ku soo aasayaan, balse uu isla ayagii ku qarxay islamarkaana Cismaan uu ku dhintay, asagana dhaawaca lagu qabtay.

Haddaba inkastoo laga yaabo in ninkan lagu magacaabo Mudahir uu wax badan qariyay, haddana qaabka ay kooxdu u shaqeeyaan ee uu sheegay ayaa muujinaysa in Daacish ay adeegsadaan xeelad aad u sarraysa, taas oo ay kamid yihiin in ay baraha bulshada dadka ka Tashkiiliyaan iyo inay kala qariyaan xubno la shaqeeya ee magaalooyinka jooga.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here