Warar laga helay Maamulka Israa’iil ayay ku xaqiijiyeen in sedex ruux oo Yahuud ah uu xuduuda ku dilay nin hubeysan oo u dhashay dalka Carbeed ee Urdun.

Dilkaan oo ka dhacay xuduuda Daanta-galbeed Falastiin iyo Urudun ayaa waxaa la sheegay in ninka fuliyay uu ahaa darwal reer Urudun ahaa madaama cadaawad ay ka dhaxeyso Carabta iyo Yuhuuda.

Advertisement

Falka oo Axadii ahaa  ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay Marinka Allanby ee ay dadka Urduniyiinta u yaqaannaan Buundada Boqor Xuseen oo ah marin isku xira xadka Urdun iyo Daanta Galbeed ee dhulka la heysto.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ninka Urudun u dhashay oo watay gaari xamuul ah uu rasaas ku furey ciidamada Yuhuuda ee ku sugan xuduuda Urudun iyo Falastiin walow ciidamada Israaiil sheegeen in is rasaaseynta ay ku dhinteen 3 shacab oo israa’iiliyiin ah.

Sidoo kale ninka reer Urudun waxaa la sheegay inuu isna ugu dambeyn ku shahiiday is rasaaseynta uu goobta ku galay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here