Wararka ka imaanaya Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in nin hubeysan uu toogtay dad badan kadib-na uu ka baxsaday Hay’adaha amaanka kuwaasoo wali ku daba jira.

Ninkaan baxsadka ah wuxuu shalay 7 ruux ku dhaawacay meel u dhaw waddada 75-ka ee marta gobollo badan oo Mareykanka ah, gaar ahaana gobolka Kentucky ee dalkaan Mareykanka sida ay sheegtay idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.

Advertisement

Wararka Booliiska laga helaayo ayaa sidoo kale sheegaya  in ninka baxsadka ahaa uu ku dhuumanayo keymaha koofurbari ee baadiyaha gobolka Kentacky.

Wadadaan oo caan ah isla markaana marta gobolo badan ayay Booliisku ka xireen ilaa 9 mayl  si ay baaritaanana u sameeyaan una soo qabtaan ninka dadka toogashada ku dhaawacay.

Randall Weddle oo ah Masuul ka tirsan gobolka Kentucky  ayaa warbaahinta u sheegay in 9-ka ruux ee dhaawacmay laba ka mida ay shil gaari ku dhaawacmeen taasoo timid intii toogashadu socotay halka 7–da kale ay ku dhaawacmeen toogashada tooska ah.

Falalka toogashada ah ayaa caadi ka ah dalka Mareykanka oo la ogyahay inuu yahay dalka ugu dhimashada badan dunida marka la eego dilalka loo adeegsado hubka madaama uu qof kasta hub iibsan karo marka la joogo Mareykanka.

Laba Maalin ka hor ayay ahayd markii wiil yar oo hubeysnaa uu Gobolka Georgia ee dalka Mareykanka ku dilay 4 ruux oo kala ahaa laba macalim iyo laba ardey  taasoo keentay in isagiina la xiro sidoo kalana aabihiis la xirey madaama uu qoriga wax lagu dilay u fasaxay wiilkiisa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Kentucky Shooting

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here