May be an image of 3 people, people climbing and treeMay be an image of 5 people, tree and crowdAlle ha naxaristee waxaa xalay isku cijiyay xerada ifo Marxuun Cadow Abdi Xoog oo saka subaxdii hore la arkay meedkiisa oo ka laad-laada geed ku yala duledka Gurigiisa.
Meedka qofka is dilay ayaa waxaa arkey dadka xafada oo kadibna ku war galiyay lamaha amaanka.
Cadow Abdi Muhumed oo lo yaqaane Cadow Abdi Xoog ayaa dadiisa lagu sheegay ilaa 60 sano jir mana qabin wax xanuun dhimirka ah wuxuuna ahaa qof fayow siday warbixinta u shegeen ehelkiisa, wallow mar aan dhereen uu qatay daawada xanuunka TB Balse wax xanuun kale ah ma usan qabin.
Wuxuu  ahaa qof aad loga yaqaano xafada iyo xerada ifo
Tariikhda marxuunkan is dilay oo aan baritaan kooban ku samaynay ayaa naloo xaqiijiyay inuu ahaa nin wagiisi hore karaytaale ah kadibna raaci jiray ariga qaxotiga ee loo yaqaano qalanka balse baryahan danbe uusan wax shaqo ah qaban.
Wuxuu ahaa aabe dhalay caruur badan dadkiisuna ay dad sii dhaleen, falkan oo kadhacay xerada ifo gar ahaan xafada N10 ee xerada ifo ayaa waxaa si aad ah uga naxay dadka xerada kuwa xafada iyo ehelka marxuunka is cijiyay.
Xarig  adag ayaana qoorta uga xirnaa meedka marxuunka oo ay markii danbe cidamada Police ee xerada ifo ay goobta ka qadeen,lama ogo sababta ka danbaysay inuu isciijiyo ninkaan wayeelka ah oo dadkiisa ay shegeen inuusan qabin xanuun dhanka dhimirka ah,meydka marxuunka isdilay ayaa lagu asayaa xerada ifo.
Ciidamada danbi barista iyo bahda cafimaadka ayaana xaqijiyay inuu udhintay xariga uu dhunta isaga ceejiyay,
maaha markii ugu horeysay oo xeryaha qaxotiga uu qof isku ceejiyo ama naftiida dilo marar badan ayayna dhacdao arintan oo kale soo noq noqotay.
=Wariye Hassan Mwalimu Xerada-IFO=
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here