Two police officers lay a yellow sheet over scattered debris in a parking lot.MULHOUSE (DAYNIILE.COM)-Nin ayaa weerar toori ah ka geystay magaalo yar oo ku taal Faransiiska Sabtidii, isagoo dilay hal qof,sidoo kalana dhaawacay saraakiil booliis oo lix gaareysa kuwaasoo qaarkood qabaan dhaawacyo daran.

Madaxweynaha Dalka Faransiiska  Emmanuel Macron ayaa durba ka hadlay wuxuuna ku tilmaamay Weerarkaani mid argagixiso.

Advertisement

“Waxa uu ahaa weerar argagixiso oo Islaami ah taasna shaki kuma jiro,” ayuu yiri Madaxweynaha Dalka Faransiiska.

Emmanuel Macron wuxuu intaa ku daray in dawladdu ay go’aansatay inay xididdada u siibto argagixisada sida uu warka u dhigay.

Booliska ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdadaani sababtay dhimashada iyo dhaawaca.

Ninkan oo uu wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska ku sheegay in uu u dhashay dalka Aljeeriya, isla markaana hore looga shakiyay , ayaa bartilmaameedsaday suuq ku yaalla magaalada Mulhouse oo qiyaastii 70 mayl dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Strasbourg, una dhow soohdinta Faransiiska uu la wadaago Jarmalka iyo Switzerland.

Markii uu bilaabay weerarka, 37-jirka ayaa la maqlay isagoo ku qeylinaya, “Allaahu akbar,” sida ay sheegeen booliiska la dagaalanka argagixisada ee Faransiiska.

               SOURCE: THE NEW YORKE TIMES

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here