HomeWarkiiNin loo haysto inuu Al Shabaab ka tirsanaa oo Maraykanka lagu maxkamadeynayo

Nin loo haysto inuu Al Shabaab ka tirsanaa oo Maraykanka lagu maxkamadeynayo

=XIGASHO BBC SOMALI=Cholo

Ninkan oo lagu magacaabo Cholo Abdi Abdullah oo da’diisa lagu sheegay 35 sano, laguna helay “argagixisonimo” ayaa dib u dhigay xukunkiisa ka dib markii uu codsaday inuu kiraysto qareenno marka la eego heerka ay dacwaddiisu marayso, ka dib markii uu muddo dhowr bilood ah diiddanaa in ay qareenno xagga sharciga ku matalaan.

Muddadii ay dacwadiisu socotay ayaa ninkaas wuxuu sheegay inuusan rumaysnayn hanaanka cadaaladda ee Maraykanka inuu yahay mid sharci ah, taasoo ahayd sababta uu u diiddanaa inuu qareenno qabsado.

Wuxuu kaloo diiday in xukuumaddu ay qareenno u qabato.

Isniintii ayaa xaakim heer degmo ah, Analisa Torres waxay xukunka Cholo dib u dhigtay ilaa iyo 7 April, ka dib markii ay wadahadal gaar ah la yeelatay ninkaas oo goor sii horreysay sheegay in uu iminka doonayo qareenno maxkamadda horteeda ka matala.

“Waxaan ka fekerayey in aan helo qareenno cusuboo i matala. Ma doonayo in labadaas qareen ay i matalaan. Waxaan doonayaa in wax kasta hadda la bilaabo” ayuu yiri Cholo.

Waxa uu wajahayaa xukun xabsi daa’in ah, oo la xiriira 3 ka mid ah 6da eed ee loo haysto. Seddexda eed ee kale ayaa kiiba wuxuu wajahayaa 20 sano oo xabsi ah.

Maxkamaddan ku taalla Manhattan ee ay fadhido Xaakim Torres ayuu ka hor sheegay inuusan doonayn inuu isdifaacid sameeyo markii uu sheegayey inuusan dambi galin.

Inkastoo ay suurtogal tahay inuu racfaan qaato, ayaa haddana dambiyada 6da ah ee lagu helay waxay yihiin kuwo weli jira.Cholo

Ninkan oo laga soo qabtay dalka Filibiin 1 Luulyo 2019 ayaa xarigiisu wuxuu ka dambeeyey markii hooyadii ay booliska ku wargelisay inuu ku biiray kooxda Al Shabaab. Wuxuu xilligaas ku sugnaa degmo yar oo ay ku nool yihiin dad in yar ka badan 55,000 oo qof.

Waxaa lagu soo qabtay bastoolad ay rasaas ku jirto, qalab wax lagu qarxiyo, iyo agab loo isticmaalo in laga sameeyo bambooyinka.

Xilligaas ayaa saraakiisha amniga iyo kuwa sirdoonka ee Maraykanka, Filibiin iyo Kenya waxay ka wada shaqaynayeen sidii kiis loogu soo oogi lahaa Cholo, ka dib markii hooyadii ay ku wargelisay waaxda dambi baarista ee Kenya (DCI) in wiilkeeda 35 jirka ah uu ku lug leeyahay AL Shabaab.

Ilaa hadda waxaa la sheegay in ninkaas uu wadashaqayn la sameeyey maamulayaasha, oo xataa uu u sheegay FBIda cidda isaga hagaysay, kaasoo uu magaciisa ku sheegay Cali Salim Gichunge oo magaca kale ee loo yaqaanno uu yahay Faaruuq, iyo nooca falka “argagixiso” ee ay qorshaynayeen. Cholo iyo Gichunge ayaa la sheegay in labadaba ay ku dhasheen, kuna soo koreen Isiolo, ka hor intii aysan ku biirin Al Shabaab 2015.

Waxaa kaloo soo baxday in Cholo Abdi markii uu ku biiray Al Shabaab 2015 ka dib loo tababaray dagaalyahannimo, ka hor inta uusan u safrin Filibiin sannad ka dib oo uusan halkaa ka bilaabin tababar duuliyenimo. Waxbarashadiisa Filibiin ayaa la sheegay in ay ka bixinayeen Al Shabaab.

Xilliga la xiray ayey wararku sheegayaan inuu ku jiray dabayaaqada waxbarashadiisa, waxaana la rumaysan yahay inuu doonayey in khibradiisa duuliyenimo uu ku afduubi lahaa dayaarad ganacsi oo uu ku dhufan lahaa dhisme ku yaalla magaalada Atlanta, si la mid ah weerarradii 9/11 ee lagu qaaday xarunta ganacsiga adduunka ee New York.

Wararku waxay sheegayaan inuuba helay ruqsadda duuliyenimada ee dayaaradaha gaarka ah, taasoo micnaheedu yahay in loo ogolaaday inuu dayaarad duuliyo.

Dembi baarayaashu waxay eegeen taariikhdiisa daalacashada internetka, halkaasoo ay ka ogaadeen inuu baari jiray sida loo jabiyo shirka dayaaradda ee duuliyeyaashu fariistaan, si uu dayaarad u afduubo, dabadeedna ugu dhifto dhisme dheer. Wuxuu kaloo internetka ka baari jiray sida loo sameeyo waxyaabaha qarxa.=

=XIGASHO BBC SOMALI=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -