MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa maanta xabsiga dhigay nin ku eedeysan inuu si bareer ah cagaf ugu jaray geedo shacabka waxtar u lahaa.
Ninka eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay C/qani Daahir shire ayaa hada ku jira gacanta ciidanka Booliiska.
War qoraal ah oo ka soo baxay Booliiska ayaa lagu xusay in eedeysanaha la hor geyn doono maxkamada awooda leh.
“Waxaa looga digayaa mudaadiniinta Soonaaliyeed in ay ka fogaadaan xaalufinta geedaha nacfiga uleh deegaanka iyo adamaha”ayaa lagu yiri warka Booliiska ka soo baxay.
Maalmihii ugu danbeeyay ayay ahayd markii uu  bulshada qabsaday ninkaan la xirey oo cagaf kaxeynaya kadibna gudaha Degmada Dayniile gaar ahaan xaafada Gubta si bareer ah u jaraya geedo dadka shacabka ah waxtar u lahaa taasoo ugu dambeyn keentay in la soo xiro.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 2 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here