ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Adis-ababa ee xarunta Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in saaka bartamaha Magaaladaasi lagu toogtay nin la yaqan oo ka mid ahaa ganacsatada.
Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Birasow Minale ayaa ka soo jeeda qowmiyadda Amxaarada waxaana la sheegay inuu ahaa nin dhaqaale badan heysta islamarkaana ganacsi xooggana ku jira.
Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay gurigiisa hortiisa ku toogteen kana baxsadeen goobta mana jirto warar inaas dhees dheer oo Booliiska laga helay inkastoo dhacdadu cusub tahay.
Dalka Itoobiya oo intiisa badan ay awalba dagaalo ,barakac iyo abaaro ay ka jireen ayaad moodaa in hada dhibaatadii ay soo gashay caasimada Itoobiya oo ahayd halka meel ee Itoobiya ka daganeyd.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here