AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in aabe Soomaaliyeed uu maanta dhibaato kala duwan u gaystay dhowr qofood oo ehelkiisa dhaw ka mida .

Ninkaan wuixuu dilay oo nafta dhaafiyay sodohdiis sidoo kale wuxuu dhaawacay xaaskiisa,dumaashidiis iyo nin ku soo baxay inuu ka qabto dadka uu leynayo,wuxuuna adeegsanayay toorayay.

Advertisement

Ciidamada Booliiska ayaa la soo sheegayaa inay gacanta ku dhigeen ninkaasi xabsigana ay u taxaabeen.

lama kala cadeyn inuu dhimirka ka xanuunsanayo iyo in kale balse Hay’adaha amniga ayaa laga sugayaa inay baaritaan klu sameeyaan sababta uu dadka ehelkiisa ama qoyskiisa ah u laayay inkastoo wararka horu dhaca ah ay sheegayaan in muran uu soo kala dhexgalay.

Horaantii sanadkaan ayay ahayd markii Muqdisho ay si isdaba joog ah uga dhaceen falal dil u badnaa oo ay isu geysanayeen dad ehel dhaw ah sida nin iyo xaaskiis ama kuwo is dhalay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here