MW Guudlaawe oo kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada Federaalka, Daraawiishta & Macawiisleyda

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan gaar ah oo looga hadlayo amniga Gobolka Shabeelaha Dhexe la qaatay saraakiil katirsan Ciidanka Federaalka, Daraawiishta iyo Macawiisleyda.

Kulankaan waxaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga Gobolka Shabeelaha Dhexe oo saacadihii lasoo dhaafay la geeyay ciidamo dheeraad ah oo lagu xoojinayo askartii horay uga howlgalaysa Gobolkaas si ay ugu dhaqaaqaan howlgallo culus oo ‘AS’ ka dhan ah.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan qaybta 27aad ayaa soo bandhigay qorshaha cusub ee lagu wajahayo ‘AS’ iyaga oo la wadaagay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Ciidamadaan cusub ee la geeyay Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo kuwii horay u joogay ayaa si wadajir ah ugu dhaqaaqaya Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir oo xuduud la leh, si looga dhex bixiyo xubnaha ‘AS’ ee halkaas lagu tuhmayo.

Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle weli faah-faahin kama bixin kulankaan iyo kuwo kale oo ka horreeyay oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe isla markaana lagu dajiyay howlgallo cusub si ‘AS’ looga qabsado deegaannada ay joogaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here