Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa shir-guddoomiyay kulan xog isweydaarsi ah oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda oo ay ka qeybgaleen Guddomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin, howlwadeenno iyo lataliyaal ka socday hay’addaasi iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa kulanka ka sheegay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka uu marayo, arrimaha hortabinta u leh hay’adda sida dhisidda awoodda iyo aqoonta howlwadeennada, kahortagga musiibooyinka ka dhaca dalka iyo yaraynta khatarta ay ku leeyihiin muwaadinka iyo hantida Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa u ballanqaaday Hay’adda SoDMA in ay u noqon doonaan wakiil buuxa ee masraxyada caalamka ka iibiya waxqabadka iyo qorshayaasha hortabinta u leh hay’adda maaraynta musiibooyinka.
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people, newsroom and textMay be an image of 4 people and people studyingMay be an image of 8 peopleMay be an image of 1 person and studying
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here