Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, iyo Hantidhowrayaasha Guud ee Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan ku saabsan horumarinta xirfadda iyo aqoonta Xafiisyada Hantidhowrka ee labada heer ee dowladda Soomaaliya.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sida ugu wanaagsan ee ay Xafiisyada Hantidhowrku uga wada faa’iideysan karaan “𝐁𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚” (Professional Education for SAI Auditors-𝐏𝐄𝐒𝐀) oo uu bixiyo Ururka Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka- (International Organization of Supreme Audit Institutions-𝐈𝐍𝐓𝐎𝐒𝐀𝐈), kaas oo xoogga saara tababarrada xirafadda Hantidhowrista, islamarkaana hormarinaya “Tabaha Fulinta Baarista Hantidhowrka, Hubinta Tayada iyo Heerarka Caalamiga ah ee Hantidhowrista Hay’adaha Dowladda”.
Dhinaca kale, Hantidhowraha Guud ee JFS waxa uu uga xog-warramay Hantidhowrada Guud ee Dowlad Goboleedyada Mashruuca Xoojinta Maamulka Khayraadka Guud ee Dowladda (Somalia Enhancing Public Resource Management Project-𝐒𝐄𝐑𝐏) oo uu Bankiga Adduunku Maalgeliyo, islamarkaana Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee labada heer ee dowladda iyo Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka ay kamid yihiin hay’adaha dowladda ee ay tahay in ay ka faa’iideystaan, isaga oo ku dhiirageliyey in Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Dowlad Goboleedyada ay si fiican uga qayb qaataan.
Ugu dambeyn, Hantidhowrada Dowlad Goboleedyada ayaa uga mahadceliyey Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS kaalinta hoggaamineed ee la xiriira horumarinta Xirfadda dhammaan hantidhowrada Soomaaliya iyo dhiirrigelinta ka faa’iideysiga taageerada farsamo si waafaqsan 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝.